Dawladda Kenya Oo Caddaysay Inay Somaliya Ku Wareejinayso Dekedda Kismaayo, Balse Fulintiisa Ku Xidhay Shuruud

0
508

Picture6Nayrobi(Geeska)-Dawladda Kenya ayaa cadaysay inay wareejinayso dekedda Istaraatajiga ah ee Kismaayo ee dalka Somaliya oo ay ciidamadeeda oo huwan magaca AMISOM ay gacanta ku hayaan, waxase ay sheegtay inay ku wareejinayso hoggaamiye dhexdhexaad ah, waxaanay ka digtay inay Al-Shabaab ku soo laabato deegaanadaas.

Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Kenya Mr. Karanja Kibicho ayaa sida ay wakaaladda wararka ee Reuters qortay hadalkan shalay ka sheegay shirjaraa’id oo uu ku qabtay Nayrobi. “Dawladda Kenya waxay diyaar u tahay inay wareejiso dekedda Kismaayo, laakiin waa in lagu wareejiyaa cid, ciddaasina waa inay noqotaa cid laga wada hadlay oo ku timid wada xaajood.” Ayuu yidhi sarkaalkan ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda Kenya, oo intaas raaciyay, “Haddii kale, oo ay Kenya iskaga baxdo waxa lagu noqonayaa halkii laga yimid.”

Dawladda Kenya ayaa cambaarayn kala kulanta dawladda Somaliya oo ku eedaysa inay taageerto hoggaamiyaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, iyadoo dhawr goor ay dawladda Somaliya ciidamada Kenya ku eedaysay inay ka qayb qaataan dagaalada ka dhaca Kismaayo, iyagoo la safan mid ka mid ah dhinacyada dagaalamaya.

Dad badan ayaa aaminsan in dhawaaqa Kenya ee ah inay fulinayso mid kamid ah qodobadii ka soo baxay shirkii Kampala uga socday hoggaamiyayaasha ay ciidamadu ka joogana Somaliya oo dhigayay in dekedda iyo madaarka Kismaayo lagu wareejiyo dawladda Somaliya iyo shuruudda ay ka daba keentay uu cadaynayo sida aanay diyaarka ugu ahayn inay si fudud ku wareejiso dekedda iyo madaarka Kismaayo ee Somaliya oo ay ka leedahay dano siyaasadeed..