Hargeysa: Dhallinyaro Reer Djibouti Ah Oo Ay Boolisku Xidheen Iyo Sababta Keentay

1
579

Picture6Hargeysa(Geeska)-Ciidamada booliska ee Hargeysa ayaa wakhti kooban  xidhay laba wiil oo ka tirsanaa koox kubada kolayga ah oo ka yimid dalka Jabuuti, ka dib markii ay suuqa soo mareen iyaga oo xidhnaa  garamaanta hoostal aga xidho ee gacmaha go’an,surwaalo gaagaaban iyo sil silado.labadan ciyaartoy ayay ciidamadu geeyeen saldhiga dhaxe halkaas oo su’aalo lagu waydiiyay.

 

Laabdan wiil ee la xidhay ayaa yaab ku abuuray dadkii wadada markaas marayay,waxaana ay qaarkood ku durayeen hadalo af  lagaado ah.ciidmada booliska ayaa ugu danbayntii ogaaday in labadan wiil ay ka tirsan yihiin koox kubada kolayga ah oo ka jirta dalka Jabuuti isla markaasna ay halkan u yimaadeen inay la ciyaaraan ciyaartoyda kubada kolayga ee Hargeysa.

Wakhti kadib ciidamada boolisku waxay la xidhiidheen wasiirka ciyaaraha oo isagu dalbaday in la sii daayo labadan wiil, waxaana lagu celiyay hotelka ay ka daganaayeen magaalada Hargeysa.

Dad badan ayaa markii ay ka war heleen in dhallinyaradaas la xidhay ku soo xoomay saldhiga.

Comments are closed.