Madaxda Ingiriiska Iyo Maraykanka Oo Iska Daba Maray Cayda Madaxweynaha Ruushka

0
547

Picture5London (Geeska)- Waqti aan fogeyn ayaa ay ahayd markii madaxweynaha dalka Maraykanka Barak Obama uu weerar afka ah oo qallafsan ku qaaday madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin oo dalalka reer galbeeda ku noqday laf dhuun gashay oo ka hor taagan in siyaasadda ay doonayaan ay ka qaataan dalal badan oo dunida ka mid ah iyo qadiyado xasaasiya oo xilligan jira. Madaxweyne Obama oo ka cadhaysnaa in uu Ruushku magangelyo siyaasadeed siiyo Edward Snowden oo ah 30 jirkii fashiliyey siraha basaasnimo ee Maraykanka ayaa ereyo ay dad badani u arkayaan in ay ahaayeen aflagaado iyo meel ka dhac ula badheedhay madaxweynaha dalka Ruushka, waxaana ka mid ahaa mar isaga oo Putin u jeeda uu yidhi, “Waxa aad mooddaa arday dheg weyn ah oo fasalka halkiisa ugu dambaysa iska fadhiya”. Obama waxa uu Putin ku tilmaamay in uu yahay nin weli uurkiisa ay ku jirto xusuusta dagaalkii qaboobaa ee muddada dheer u dhexeeyey Midowgii Soofiyati iyo Maraykanka.

 

Maalmo yar kadib oo aanay weli xusuustii ereyadani bi’in ayuu David Cameroon oo ah raysalwasaaraha dalka Ingiriiska ee ay saaxiibka aad u dhow yihiin Maraykanku waxa uu isna Putin kula kacay aflagaaddayn iyo ereyo duur xul ah oo ku si dadban ugu tilmaamayo in uu Putin yahay nin leh dhaqanno aan ku fiicnayn qof masuul ah. David Cameron ayaa mar isaga oo dalxiis ah la weydiiyey bal in uu jecel yahay fardo fuulka waxa uu ku jawaabay, in uu aad u jecel yahay, laakiin waxa uu sii daba dhigay ereyo uu ku aflagaadaynayo Putin oo aan laba hadal haynin markaas, waxaana ka mid ahaa, “Laakiin fardaha ma fuulo aniga oo laab qaawan sida Putin”

Mar kale oo ahayd bishii toddobaad ee sannadkan 2013ka intii uu socday shirkii dalalka siddeeda ah ee warshadaha ka horumaray oo uu Ingiriisku marti-gelinayey ayuu mar kale David Cameron si kaftan uu u dhigay ereyo aflagaado ah ugu tuuray madaxweyne Putin oo isna shirka ka qayb galayey.

Isaga oo ka hadlayey sababta uu shirka uga qayb galay isaga oo xidhan suudh bilaa Tay ah, Cameron inta uu carrabka u qalloociyey dhinaca Putin waxa uu yidhi, “Waan ogahay in qaarkiin ay aaminsan yihiin in aan u labbisnaa si aan qurux badnayn, maadaama oo aanan Tay qoorta ku xidhan… Laakiin waxa aydaan ogeyn wax aka dhacayey shirka gudihiisa. Vladimir Putin ayaa naga dalbanayey in labbiska astaanta u ah shirku noqdo laabta oo la qaawiyo iyada oo faras la saaran yahay… in si aan rasmi ahayn aan u labbistaa keliya waxa ay iga ahayd gorgortan aan ka galay feedho qaawanidaas uu naga doonayey”