Hargeysa(Geeska)-Saxafi ka tirsan warbaahinta Nation Media Group ee ka jirta wadanka Kenya, ayaa warbixin yaab leh ka qoray shakhsiyadda Abwaanka caanka ah Maxamed Ibrahim Warsame (Hadraawi), oo uu saxafigani kula kulmay carwadii buugaagta Hargeysa ee dhawaan la qabtay.
Weriyahani wuxuu sheegay inuu ka hor la kulankiisii Hadraawi aaminsanaa inuu Abwaanku yahay nin aad u ad-adag oo dabeecad kulul, maadaama oo wararka uu ka hayay ay u badnaayeen inuu dawladaha awooda badan u waajaho si cabsi la’aan ah, waxase uu kala kulmay dareen ah Abwaan garanaya qiimaha dhagaystayaashiisa iyo dadkiisa oo dareen dhoola cadayn ah kaga fal celinaya hadba sacabka ay dadku ku qaabilaan maansooyinkiisa qaniga ah. “Wax badan ayaan ka maqlay Hadraawi, oo ah Abwaan Somaliyed oo caan ah. Xataa iyadoonan arag markii u dambaysay ee uu Nayrobi yimid. Waxase aan helay fursadaydii labaad ee aan ku arko, ka dib markii aan ka qayb galay bandhigii uu ku lahaa carwadii lixaad ee buugaagta Hargeysa ee lagu qabtay Somaliland.” Sidaas ayuu saxafigani ku bilaabay warbixintiisa, waxaanu intaas raaciyay, “Waxaan is lahaa waxaad arki doontaa nin kulul, oo ku haboon inuu si cabsi la’aan ah u mucaarado runtana ugu sheego dawladaha isagoon cabsoonayn.”
Isagoo weriyahani sii wata layaabka uu kala kulmay Abwaan Hadraawi wuxuu yidhi, “Waxaanse la yaabay inaan arko nin meel dhexaad ah oo isagoo qirsan soo dhawaynta iyo sacabka dhagaystayaashiisa kaga dareen celinaya
dhoola cadayn diiran, dabadeedna si degen uga dhaqaaqay madashii uu hadalka ka jeediyay.” Wuxuu weriyuhu sheegay inaanu shaki ku jirin in Abwaan Hadraawi yahay hal-abuur aan ka gaban inuu runta u sheego dawladaha marka uu arko inay wakhtigeedii tahay, “Shaki kuma jiro Hadraawi oo ah 70 jirka ugu caansan abwaanada Somalida, dhawaana ku guulaystay abaalmarinta ay bixiso boqorada Holland, inaanu ka xishoon inuu weeraro dawladaha marka uu arko in loo baahanyahay,.” Ayay warbixintu tidhi, waxaanay intaas raacisay in Abwaanka ay dawladii Siyaad Barre xidhay sannadkii 1973.
Sida warbixinta lagu sheegay Abwaanku wuxuu dhashay dhammaadkii dagaalkii labaad ee dunida, waxaanu ka dhashay qoys xoolo dhaqato ah oo degenaa baadiyaha magaalada Burco ee Somaliland, “Naanaysta Hadraawi waxa u bixiyay macalinkiisii qur’aanka, sababtuna waxay ahayd awoodda uu u lahaa inuu ardayda fasalkiisa madadaaliyo.” Ayay tidhi warbixintu.
Safarkii nabadeed uu Abwaanku ku maray gobalada bari ayay warbixintu xustay, waxaanay sheegtay inkastoo ay jireen khataro badani, haddana inay safarkaas Abwaanka ku biireen xoog badani.
Isagoo wariyuhu ka hadlaya dareenka uu ka qaatay Abwaan Hadraawi oo maansadiisa daalacan ka jeedinaya madal la isku arkay wuxuu yidhi, “Markaad dhagaysato bandhigii maansadiisa Daalacan ee aad daawato dareenka dhagaystayaashiisa oo isugu jiray dad tacliin leh iyo dad dhexe, waxaan fahmay sababta Hadraawi loogu arkay inuu yahay ka’ ugu wanaagsan.” Ayuu yidhi saxafigani.
Maansooyinka Hadraawi waxa luuqadda Ingiriisida ku turjumay Abwaan lagu magacaabo William Herbert oo u dhashay Scotland, kaas isagoo kaashanaya aqoonyahano u dhashay Somaliland iyo Ingiriiska si qurux badan u turjumay suugaantiisa. Mr. William, wuxuu wargeyska Daily Nation u sheegay in Suugaanta Hadraawi ay tahay mid qani ah oo aan duugoobayn, isagoo xataa sheegay in suugaanta Hadraawi laga dareemi karo xaaladaha wadanka Ingiriiska. Turjumaankan waxa maansooyinkiisa tifaftir ku sameeyay Dr. Jaamac Muuse Jaamac.
Wuxuu sheegay in macnaha iyo nuxurka ay maansada daalacani xambaarsantahay uu la mid yahay waxyaabaha wakhtigan ka socda Ingiriiska. “Ujeedada daalacan waxay sidoo kale aad ugu eegtahay waxyaabaha Ingiriiska maanta ka dhacaya, si deg deg ah ayaanan u daremi karaa.”
Ugu dambayn wuxuu Abwaankan Ingiriiska ahi sheegay inaanay suugaanka Abwaan Hadraawi weligeed duugoobayn, “Kelmad kasta oo ka mid ah 200 ee gabay ee Hadraawi weli waa kuwo xoogan oo dihin ilaa maanta iyo weligoodba.” Ayuu yidhi turjumaanka suugaanta Hadraawi u bedelay luuqadda Ingiriisidu.