Hargeysa: Akadem Horumarineed Oo Loogu Magac Daray Abwaan Gaariye

0
750

akadamaiHargeysa(Geeska)-Xaflad furitaan ah oo lagaga dhawaaqay Akaadamiga Horumarinta Afka iyo Suuqaanta ee Abwaan Gaariye, ayaa lagu qabtay hoolka shaqaalaha ee magaaladda Hargeysa.

Akaadamiga ayaa daboolka lagaga qaaday inuu qaban doono kaydinta suugaanta iyo guud ahaan Afka Soomaaliga, cilmi baadhista,dhiiri galinta abwaanada iyo joogtaynta aragtiyihii Abawaan Gaariye. Akaadamigan ayaa noqon doona mid aan dawli ahayn ee madani ah.

Xaflada furitaanka Akaadamigan waxa ka soo qaybgalay, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe, Boobe Yuusuf Ducaale, Prof Qaasim oo ah guddoomiye ku xigeenka Waddani, ,Axmed Saleebaan Bide, Sahra Halgan, Cabdilaahi Darawl, Nimco Gabaydo iyo martisharaf kale. Waxase aan ka soo xaadirin masuuliyiinta xukuumadda oo la martiqaaday.

Ugu horayntii waxa xuritaanka xafladaas ka hadlay Agaasimaha xaruntan Abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame), waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Qof kaste oo Aadame ah waxa uu leeyanhay himilooyin uu doonaayo inuu dhabeeyo ,ujeedada Gaariye Akadamigan loogu magac darayna waxa weeyaan, isaga ayaa ahaa nin u noolaa inuu arko inuu Af-oomaaligu kaalin galo,si aanay himilooyinkiisii u noqon kuwo marka uu dhintay la dhinta,waxaanu ugu talo galnay in aanu halkiisii ka sii anbo qaadno, oo waxyaabihii uu qaban jiray haday Cilmi baadhis tahay iyo hadii kaleba la sii qabto, Akadaamigani maaha mid dawliya ee waa mid iska madani ah, ujeedadiisuna waxay tahay in la qabto cilmiyaynta iyo tayaynta Af-ka Soomaaliga, Kaydinta, ilaalinta iyo ururinta suugaanta, maanta waxa laga yaabaa inaad aragto gabay nin lahaa oo toban nin lagu wada sheegayo, waxaasina waa qoraal la’aanta iyo kaydin la’aanta, dhiirigalinta hal-abuurka iyo suugaan yahanka kale, joogtaynta iyo anba qaadista aragtiyihii Gaariye, sida suugaanta u adeegta danta,dalka iyo dadka oo aanay biidhi qaatenimo ku jirin.illaalinta fikirka qofka oo waxii uu qoraalkeeda lahaa uu isagu yeesho, waxyaabahaas ayuu qaban doonaa Allena hanagu garab galo.”

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa isaguna dhalinayradaas ku dhiiri galiyay “Aad iyo aad ayaad u mahadsantihiin dadkiina soo qabanqaabiyay arinkan, dadkeena hada waxa galay dareen cidii wax dadka tartay in la xuso, waa dareen aan awal inagu jiri’jirin, shahaado sharaftii ugu horaysay ee la bixiyo Somaliland xisbigayaga UCID ayaa bixiyay 2004-tii, mahadsanida lama aqoon, hadana waad aragteen oo waa la bixiyaa, hadana waxa inoo bilaabmay in dadkeena qiimaha leh la xuso taag meel ay ina dhigtaba. Waxaan ka digayaa dadkeenu wax way bilaabaan laakiin ma sii wadaan, dhexday ku niyad jabaan,waxana kula dardaarmayaa qolyaha isugu kaaya yeedhay in aanay aragtidaas ka niyad jabin ee ay ka midho keenaan, hadii kale taariikhdeena qaran iyo ta shiqsiba way lumaysaa.”

Mujaahid Boobe Yuusuf Ducaale ayaa isna halkaas ka jeediyay hadal dhiirigelin ah oo la xidhiidha munaasibadda iyo Akademiyada lagu dhawaaqay.

Mujaahid Cabdillaahi Xuseen Iimaan (Darawal) oo ay saaxiibo gaar ah ahaayeen marxuum Gaariye, oo isna halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Akademiyada loogu magac daray Gaariye

Sida oo kale dhamaan masuuliyiintii halkaas ka hadashay, ayaa soo dhaweeyay Akaadamigan loogu magac daray Alle naxariistee abwaan Gaariye,waxaanay ku dardaarmeen la dhaqaajiyo xaruntan oo aanay noqon mid laga niyad jabo.