KULMIYE Oo Sheegay Inay Guddiga Qaban-qaabadu Dooratay Hoggaankoodii

33
862

kulmiyeHargeysa(Geeska)-Xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE, ayay guddigiisa qaban qaabada shirweynaha xisbigu ay mar kale shalay iska dhex doorteen hoggaankii guddigaas.

Warsaxaafadeed uu soo saaray guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayuu ku faahfaahiyay xubnaha guddiga loo dooray, waxaanu ku yidhi, “Waxa maanta oo taariikhdu tahay 23/DEC/2013 shir ay isugu yimaadeen Guddida Qabanqaabada ee shirwaynaha 3aad ee xisbiga KULMIYE ku doorteen guddoomiye, ku-xigeenno iyo xoghaye, waxaana Guddoomiye loo doortay Abubakar Xaamud Jibriil, halka afar guddoomiye-ku-xigeenna loo kala doortay; Guddoomiye-ku-xigeenka kowaad Xasan Mowliid Axmed, Guddoomiye-ku-xigeenka labaad Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari), Guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad Cabdiraxmaan Maxamuud Saalax iyo Guddoomiye-ku-xigeenka afraad Sahal Maxamed Jaamac.

Waxa kale oo shirkaasi Xoghayaha gudida qabanqaabada loogu doortay Axmed Cali Maxamuud.

Sidaasi darteedna waxay Guddiga Qabanqaabadu si toos ah u bilaabeen hawlahoodii shaqo.”

 

Comments are closed.