“Somaliland Waxay U Baahan Tahay In Nin Xilka Hayaa U Gaajo Bato”

0
707

Hargeysa (Geeska) – Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa khudbad uu shalay ka jeediyay Munaasibad lagu furay Akadamiyad loogu Magac Daray Alle ha u naxariistee Abwaan Gaarriye, ayaa dhaliilay sida aan Masuuliyiinta xukuumadda iyo shacabku u xushmaynin ka qayb-galka xusaska loo sameeyo dadka Magaca iyo abaalka ku leh Somaliland ee geeriyooda. Cabdikariin Axmed Mooge, waxa uu sheegay inay cadho ku beerto xafladda lagu xusayo qof Taariikh ku leh dhismaha Somaliland ee aan xusaskooda la camirin. Cabdikariin Axmed Mooge Liibaan, oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Ma Faraxsani, intii aan noolaana xiliyadan dambe wakhti aan ka cadho badanahay ma jirto, Bani-aadam cadhaysan baan ahay, maalin walba sidaynu nahay markaan arko agtayda Farxadi, adeerkay Boobe Yuusuf Ducaale ayaa is yidhi Abaal u celi walaalkaa, 25 sanadood markii ay ka soo wareegtay dhimashadii adeerkay ayuu is yidhi adigaa maanta ka dambeeyee xuska, xafladdiibaan imid,, hareerahaan eegay, raggii ay Maxamed Mooge dhibta u soo wada mareen in dalkani dal noqdo oo mid ama laba ka fadhiyaan habeenkaa xafladda ayaan u soo joogay” Cabdikariin, waxa kale oo uu sheegay “Alle Ha u naxariistee Madaxwaynaheenii qiimaha lahaa, Madaxwayne Cigaal ayaa la igu casuumay madal lagu xusayey, hoolkii ayaan soo fadhiistay, ninkaa weyn ee qiimaha lahaa ee abaalka badan inagu lahaa ee seeska u dhigay dawladnimada aynu maanta haysano, hoolka dadka fadhiya markaad tiriso iyo kuraasta la dhigay ee madhan markaad isbarbar dhigto ay cirka iyo dhulka isku jiraan, maantana Gaarriye ayaa sidan ah, nin aanu abaal ku lahayn, ama Madaxwayne ha ahaado ama Taajir ha ahaado, walaahi-baanu jirin” ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Haddii aynu Maalin walba qofkeena qiimaha leh ee abaalka inagu leh aynu abaalkiisa celin waayno, kuraas oo la soo camiro oo wakhtigiisa loo dhamaystiro ayaa abaal celin ah, haddii aynu maalin walbana sidan u ekaano ummad noqon mayno. Kuwo taiga ku xidhan, ee suudhka ku xidhan ee kuraasta ku fuuley Gaarriye ee aan maanta abaalkiisii celinayn dadka agtoodana inay qiimo ka yeeshaan maaha” Cabdikariin, waxa uu ka hadlay qabyaaladda “Kuwa doonaya inay Somaliland ka dhigaan Koonfurta Suudaan oo kale, ILAAHAY ummada haka qabto ee doonaya inay qabyaalad qabyaalad u kala guraya, dalkan uma baahna qabyaalad, dalkani wuxuu u baahan yahay kii u soo halgamay iyo kii aan u soo halgamin inay is caqbalaan oo gorofka isku dhiibaan, ninba maalin kabado, walaalkiisa kale u hambeeyo, ka xilka hayaana ugu gaajo bato oo ka aan hayn uu dhargiyo”ayuu yidhi.