Hargeysa: Afar Weriye Oo Xidhnaa Ayaa La Sii Daayay, Waxase Lagu Bedelay Afar Kale

37
557

Picture1Hargeysa(Geeska)- Xukuumadda Somaliland ayaa afar wariye oo muddo todaba casho ah u xidhnaa xabsiga ka sii daysay,waxaanay isla Shalay oo ay afarta wariye sii daysay ay xabsiga dhigtay afar wariye oo kale, oo iyagana xalay la sii daayay. Waxaanay talaabooyinkani ku soo beegmayaan iyadoo maanta loo dabaal degayo maalinta xuquuqal insaanka dunida.

Saxafiyiintan danbe ayay xukuumaddu ku xidhay magaaladda Dacarbudhuq iyaga oo markaas hawl shaqo oo ay halkaas u tageen ka soo laabtay, waxaana xoriyadooda loo soo celiyay isla xalay. Halka wariyayaasha hore la qabtay iyaga oo ku jira mudaharaad cabasho ah.

Afarta wariye ee mudada todobaadka ah xidhnaa ee xoriyadooda loo soo celiyay ayaa kala ahaa Xasal Maal Dhidar, Cabdicasiis Bashiir Nuur, Siciid Khadar Cabdilaahi iyo Cabdisalaan Cabdirashiid, magacyada afarta wariye ee isla shalay la xidhay ayaa iyaguna kala ah Faysal Maxamed Aadan,Cabdirashiid Cabdiwahaab,Najiib Cabdilaahi Colaad,Cali Xasan Sugule.

Tirada saxafiyiinta sida sharci darada ah loo xidhay isla markaasna la soo daayay ayaa todabaad gudihii noqonaysa 8 wariye oo ka hawlgala warbaahinta madaxabanaan ee Somaliland oo cabudhin kala kulmaysay muddooyinkii ugu danbeeyay xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Axmed Siilaanyo.waxaanay maanta oo ku beegan maalinta xuquuqul iinsaanka ay ku soo beegantay iyada oo ay sare u sii kacayso cabudhinta warbaahinta madaxa banaan ee Somaliland ay xukuuamdda haatan kula kacayso.

 

Comments are closed.