Sool: Reer Xudun Oo Codsaday In Saldhig Boolis Loo Dhiso

1
652

Xudun (Geeska) – Dadwaynaha ku dhaqan degmada Xudun ee Gobolka Sool ee Somaliland, ayaa Maamulka Gobolkaasi iyo xukuumaddaba ka codsaday in loo sameeyo saldhig boolis oo ammaaanka Magaalada ka qayb-qaata.

Dadwaynaha, ayaa sheegay in degmada Xudun ka aradan tahay inta badan adeegyada bulshada muhiimka u ah, sidaa daraadeedna baahi weyn u qabaan in degmada looga hirgaliyo sadhig boolis, isla-markaana la isku hawlo in markaa ka dib adeegyada kale ee ka dhimana loo gudbo.

Cismaan Maxamuud Saalax (Shaarub), oo xalay la soo xidhiidhay Wargeyska Geeska Afrika, isaga oo matalayey shacabka degmada Xudun.

Mr Shaarub, oo sharaxaya waxyaabaha ay dawladda ka doonayaan “Waxaanu doonaynaa in la noo dhiso saldhig boolis” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxa kale oo aanu doonaynaa in dawladdu noo hirgaliso adeegyadii bulshada ee Xudun”

Cismaan Maxamuud Saalax (Shaarub), oo la waydiiyay inay Maamulka Gobolka Sool gaadhsiiyeen baahida taala degmada Xudun, ayuu ku jawaabay “Maamulka Gobolka Sool iyo Maayarka Xuddun, waanu gaadhsiinay fariintan” ayuu yidhi.

Degmada Xudun, ayaa ka mid ah deegaanada ay ka dhacday doorashadii golayaasha deegaanka ee dalka ka dhacday sanadkii 2012-ka, waxaana deggan ciidamo badan oo ka mid ah kuwa Milatariga Somaliland.

 

Comments are closed.