Xisbiga UCId Oo Mudeeyay Mudaharaad Ku Beegan Maalinta Xuquuqal Insaanka Iyo Xisbiga Waddani Oo Maanta Ku Taageeraya

34
621

Picture7Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ah UCID, ayaa war-saxaafadeed uu shalay soo saaray taageerayaashiisa Gobolka Maroodi-jeex ugu baaqay inay ka soo qayb-galaan Mudaharaad xisbigu Magaalada Hargeysa ku qabanayo 10-ka bishan December, kaasi oo lagu dalbanayo in xukuumaddu ilaaliso xoriyatul-qowlka iyo Madax-banaanida saxaafadda Somaliland.

UCID, ayaa taageerayaashooda iyo cid kasta oo danaynaysa jiritaanka Xoriyatul-qowlka iyo Madax-banaanida saxaafadda dalka ugu baaqay inay ka soo qayb-galaan Mudaharaadkaasi oo noqon doona mid Salmi ah isla-markaana ku beegan Maalinta xuquuqda aadamaha oo adduunka oo dhan laga xusayo maalinta Salaasada ah ee toddobaadkan, waxaanu xisbigu Magacaabay guddi qaban-qaabinaysa Mudaharaadkaasi.

War-saxaafadeedka xisbiga UCID oo ku saxeexan yahay xoghayaha warfaafinta ee xisbigaasi, Yuusuf Kayse Cabdilaahi, ayaa u dhignaa sidan “Xisbiga Cadaaladda Iyo Daryeelka UCID waxaa uu ku war-galinayaa dhammaan taageerayaashiisa iyo cid kasta oo daneyneysa xoriyatul qawlka saxaafadda Jamhuuriyada Somaliland inay nagala soo qayb-gasho banaanbax salmiya oo ku beegan xuska maalinta caalamiga ah ee Xuquuqal iinsaanka oo ku beegan maalinta Salaasada ah (10-12-2013).

Banaan-baxan oo ah mid muwaadin kastaa xaq dastuuriya u leeyahey.

GUDDIDA QABAN QAABADA EE XISBIGA UCID

1. Cabdi Maxamud Saleebaan (Xoghayaha Arimaha Gudaha Iyo Xidhiidhka Gobollada )

2.   Faysal Abiib Gudhane (Gudoomiyaha Gobolka Maroodi Jeex)

3.   Yusuf Keyse A/laahi  (Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga Ucid

4.   Faadumo Siciid Ibraahim (Xoghayaha Maaliyada

5.   Xaliimo Cismaan Raage  (Gudomiyaha Garabka Haweenka

6.   Xasan Saleebaan Aaden  (Xubin Golaha Dhexe

7.  C/raxmaan Axmed Cali  (Xoghayaha Arimaha Bulshada

8.  Maxamed Cali Muuse Jiir  (Xoghayaha Ciyaaraha

9.  Ismaaciil Cabdi Ismaaciil  (Gudoomiyaha Abaabulka

10. Sahra Xirsi Budul (Gudoomiyaha Gobolka Hargeysa ee Haweenka”

Dhanka kale, xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Yuusuf Kayse Cabdilaahi, ayaa xalay Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Wasaaradda arrimaha guduhu ka qabatay qoraal ay ku codsadeen Dibad-baxan, isla-markaana codsigooda waafajiyeen xiligii sharcigu dhigayey ee ahayd in wasaaradda arrimaha gudaha fasax la soo waydiisto saddex maalmood ka hor mudaharaadka, waxaanu sheegay inay wasaaradda ka sugayaan jawaabta.

Dhanka kale, xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa war-saxaafadeed uu shalay soo saaray ku taageeray wax kasta oo lagu muujinayo ilaalinta xoriyatul-qowlka iyo xuquuqal iinsaanka Somaliland.

War-saxaafadeed uu ku saxeexan yahay xoghayaha guud ee xisbiga WADDANI, Maxamed Cabdilaahi Uur-cadde, ayaa lagu yidhi sidan “Waxaa bishan 10-keeda laga xusayaa adduunka maalinta xuquuqal insaanka..Ummada Somaliland waxa aanu ugu baaqaynaa iyagoo dhawraya amniga, in ay si nabadgelyo ah u muujiyaan dareenkooda ku waajahan ilaalinta xuquuqal insaanka iyo xoriyatul qawlka umadda Somaliland ee xukuumadda Siilaanyo ku tumatay. Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI waxaa uu taageerayaa kana qayb qaadanaya wax kasta oo lagu muujinayo ilaalinta xoriyatul qawlka iyo xuquuqul insaanka Jamhuuriyadda Somaliland“

 

Comments are closed.