Hargeysa: 10 Ka Mid Ah Shirkadaha Laydhka Siiya Caasimadda Oo Midoobay

0
779

Picture4Hargeysa (Geeska) – Munaasibad balaadhan oo shalay lagu qabtay huteelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa, ayaa lagu shaaciyey inay Midoobeen shirkadaha laydhka u shida bariga, Badhtamaha, Waqooyiga iyo Galbeedka Magaalada Hargeysa.

Shirkadahan oo tiradoodu tahay toban isla-markaana kala ah, AFGAL, SELP, KAAFI, NFS, SEECO, CADCEED, SANYARE, ELMI, HASS POWER, HARGEISA POWER ELECTRIC, ayaa ku midoobay Magaca ALMIS ELECTRIC COMPANY, taasoo loo soo gaabiyo (ALEL).

Munaasibadda lagu shaaciyey midowga shirkadaha laydhka siiya inta badan Magaalada Hargeysa, ayaa waxa lagu soo bandhigay ujeedada Midowgooda, qorshayaasha lagu horumarinayo adeegga laydhka ee ay bixiyaan iyo arrimo kale.

Xafladda shirkadahani kaga dhawaaqeen inay ku midoobeen hal shirkad oo Magaceedu yahay ALMIS, ayaa waxa ka qayb-galay Wasiirro ka mid ah xukuumadda Somaliland, Musharaxa Madaxwaynaha ee xisbiga UCID, Jamaal Cali Xuseen, Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Guddoomiyaha shirkadda ay ku midoobeen tobanka shirkadood, masuul ka socday shirkadda Laydhka ee KAAH iyo weliba marti sharaf kale oo tiro badnaa.

Guddoomiyaha shirkadda ALMIS ee ay ku midoobeen tobanka shirkadood, Maxamed Cabdiraxmaan Faarax Sugaal, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey sababta keentay midowga shirkadaha iyo qorshayaashooda horumarineed ee mustaqbalka, waxaanu yidhi “Waxaynu halkan isugu nimid u waqlalidda shirkadda ALMIS, oo marka Magaceeda la soo gaabiyo uu yahay ALEL, farxad ayay noo tahay in toban shirkadood ay midoobeen, shirkadahaasi oo kala ah, AFGAL, SELP, KAAFI, NFS, SEECO, CADCEED, SANYARE, ELMI, HASS POWER, HARGEISA POWER ELECTRIC, shirkadahaasi oo shida qaybo badan oo Magaalada ah ayaa waxay mar kaliya go’aansadeen ka dib shirar badan oo dhexdooda ka dhici jiray inay mar kaliya riyadaasi kaga dhabeeyaan, ILAAHAYNA wuxuu hirgaliyey inay wakhtigan noqoto xiligii ay shirkadahani midoobi lahaayeen”

Sheekh Aaden Xaaji Maxamuud Xiirey (Aaden Siiro) oo ka mid ah Mulkiilayaasha shirkadaha midoobay, ayaa isaguna halkaasi ka jeediyay hadal kooban oo uu tafaasiil kaga bixiyey midowga shirkadaha iyo aasaaskii hore ee shirkadaha Laydhka, waxaanu yidhi “Maxaa keenay in la abuuro ALMIS ELECTRIC COMPANY, sida aynu ognahay adduunyadu maanta waxay isugu awood sheegataa Tamarta oo ka bilaabanta iftiinkaa aynu fadhino ilaa Nukliyeerkaa isaga gudbaya qaaradaha, loolanka ugu weyni adduunka waa Tamarta”

Sheekh Aaden, oo sii hadlaya waxa kale oo uu tilmaamay “Annigu waxaan ka mid ahay dadka badhtamaha Magaalada Laydhka u jida, 1995-kii ayaanu samayn jirnay iskiriinka (ICE Cream), laba ama saddex jeer markii laydhkii la bakhtiiyey ee iskiriinkii naga dhalaalay, dabadeedna waxaanu ogaanay in loo baahan yahay laydh 24-ka saacadood ah, waxayna nagu kaliftay in aanu annagu samaysano, markii aanu samaysanay Laydhka, ayaanu ogaanay in aanaan shidaalka iska bixin Karin, markaas ayaanu nidhi si aynu shidaalka isaga bixin karno aynu laydhka balaadhino oo inta jaarkeena gaadhsiino, markaa baahi annaga oo noo gaar ahayd ayaanu ku bilownay, markaa aad ayay u mahadsan yihiin kuwii hore isugu geeyay (Shirkadaha Laydhka), kuwa maanta (shalay) isku geeyay (shirkadaha laydhka) ee badhtamaha Hargeysa, waqooyiga, labadooduna waala isku geyn doonaa oo tamar (laydh) fudud ayaynu samayn doonaa, taladayadu waxay tahay inaanu samayno wax qaran oo dadka iyo dalkaba anfaca” ayuu yidhi, isaga oo intaasi sii raaciyey “Shirkadani maaha, shirkad qof u danaynaya, shirkad koox u danaynaya maaha, waa shirkad u socota in Somaliland la keeno dab qiimo jaban, oo dadka, dalka iyo dawladaba anfaca, waayo, dalkan iyo dadkani waxay u baahan yihiin dab jaban, taasina waxay ku imanaysaa innaga oo midayna oo meel isugu geyna Hantideena, caqligeena iyo aqoonteena, sidaas ayay shirkaduhuna ku faa’idayaan, dadkuna ku faa’idayaan”

Sheekh Aaden Siiro, oo amaanaya shakhsiyaadka alifay astaanka shirkaddani yeelan doonto, ayaa yidhi “Waxaan amaanayaa nimankii shirkadda ALMIS u soo sameeyay calaamadda ALEL oo calanka Somaliland ah, markaad wax samaynayso waa inay ka turjumayso waxaad aaminsan tahay”

Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, Maxamed Xasan Shukri, ayaa isaguna soo dhaweeyay midowga shirkadahan “In wax la wada yeesho oo maalka iyo muruqaba la isu-geeyo ayaa danka dalkani ku jirtaa, waxaynu ahayn bulsho reer guuraaya oo qof walba wixiisa gaar u leeyahay, muddo dheer ayay innagu qaadatay inaynu u soo gudubno noloshii Magaalada, horumarka iyo wax wada lahaanshiyaha iyo isu-geynta hantida” ayuu yidhi Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Somaliland, waxaanu intaasi sii raaciyey “Marka la eego taariikhda shirkadaha laydhka bixiya ee Somaliland, dedaalkii dheeraa ee ay soo galeen iyo halka ay maanta marayaan, waa arrin ay ku amaanan yihiin, waxay tilmaamaysaa biseyl in shirkadihii Magaalada ka jiray inay isku yimaadaan oo ay dareemaan inay isku baahan yihiin, dadkana iska xigaan, waxay tilmaamaysaa wacyi kordhay iyo biseyl, muwaadiniinta Somaliland-na taasi ayay dani ku jirtaa, waxayna hagaajinaysaa tayadii iyo tarantii laydhka inay isku yimaadaan”

Xasan Bulbul, oo ku hadlayay Magaca Shirkadda KAAH oo ay ku mideysan yihiin 17 shirkadaha laydhka ah, ayaa isaguna yidhi “Annagu haddii aanu nahay shirkadda KAAH, waanu soo dhaweynaynaa shirkadda cusub ee ALMIS, waana wax dadka iyo dalkuba u baahnaayeen la isu-tago, KAAH ahaan waxaanu nahay 17 shirkadood oo isku tagay, mid walba gaarkiisa ayuu u shidi jiray laydhka, laakiin waxa lagu heshiiyey in la isu-geeyo, shirkadihii 17-ka ahaana hal shirkad ayay noqdeen, markaa waxaanu diyaar u nahay inaanu idin tusno Maraxaladihii aanu soo marnay, oo aanu idiin sheegno, si shirkaddu marka hore u noqoto shirkadda Laydhka Hargeysa, marka dambana Somaliland, taasina waxay keenaynaa in adeeggii aynu u samaynaynay bulshadu uu hagaago, adeegga laydhku waa adeeg adag oo adduunka dawladaha ayaa sameeya, laakiin tani (Midowga shirkadaha) waxay ina tusaysaa inay innaga go’an tahay inaynaan cid kale wax ka sugin”

Xasan Bulbul, waxa uu ku taliyey in dagaal laga galo sidii qiimaha laydhka hoos loogu dhigi lahaa “Qoladeena laydhku dagaalka aynu maanta galaynaa waa sidii aynu qiimaha laydhka u keeni lahayn 50 santi iyo wax ka hooseeya, markaas ayaynu odhan karnaa dalka iyo dadka ayaynu wax u qabanay, dawladana waxaanu leenayay dhiniciinii ma hayno, canaanba ha naga noqotee, wasiirkii hore e Maaliyaddu Maxamed Xaashi Cilmi, wuxuu nala waday in shirkadaha laga dhimo cashuurta $ 12 doolar ah, oo ay shirkaduhu isu-tagaan oo ay cashuur waafi ah wada bixiyaan”ayuu yidh, oo uu hadalkiisii ku soo afmeeray.

Maayarka Caasimadda Hargeysa, Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa isagu sheegay inuu ku faraxsan yahay midowga shirkadaha laydhka “Cidda maanta (shalay) ugu farxad badani waa anniga, waayo waxaanu jeclayn in shirkadaha laydhku ay mid kaliya noqdaan, waa talaabo wanaagsan tan maanta la qaadayna, waayo waxaanu ahayn dad ay intaas oo xadhig ay madaxooda marayaan, oo marka la yidhaahdo xadhkaha wax halaga qabtana ay had iyo jeer mushkiladi na hor taagan tahay, aad iyo aadna waxaan u soo dhaweynayaa shirkadda ALMIS”ayuu yidhi, Maayarka Hargeysa oo tilmaamay in tani qayb ka qaadanayso hahaajintooda bilicda Magaalada.

Wasiirka Wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland, Dr Sacad Cali Shire, oo isaguna xafladdaasi ka jeediyay khudbad cilmi ah, ayaa isaga oo ugu horeyn soo dhaweynaya Midowga shirkadahan yidhi “Waxaan Hambalyeynayaa tobanka shirkadood ee isugu tagay ALEL ama ALMIS ELECTRIC COMPANY, waxa kale oo aan halkan ka hambalyeynayaa shirkaddii ka horeysay ee KAAH ee 17-ka shirkadoo isugu tageen. Waa quwad ku soo biirtay Somaliland, tahayna inaynu ku faraxno oo aynu soo dhaweyno, aadbayna ugu mahadsan yihiin, waxaanan rejaynayaa in xafladda tan ku xigtaa noqoto mid ay ku midoobaan ALMIS Iyo KAAH”

Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland, Eng. Xuseen Cabdi Ducaale, oo isagu soo gunaanaday xafladda lagu shaaciyey midowga shirkadahan, ayaa isna bogadin u diray shirkadda Almis,.