Madaxweynaha Koonfurta Dawlada Sudan Oo Sheegay Inuu Fashiliyay Inqilaab Milatari

19
661

Picture3Madaxweynaha Koonfurta Suudaan Salfa Kiir ayaa sheegay in militeriga dalkaas uu fashiliyay afgembi uu qabanqaabiyay mid ka mid ragga ay siyaasadda isku hayaan. Waxaa uu eedda dusha ugu tuuray kuxigeenkiisii hore Riyek Mashaar.

Waxaa uu sheegay in ciidanka ay haatan la wareegeen ammaanka caasimadda ee Juba.

Israsaasayn culus iyo qaraxyo ayaa laga maqlayay caasimadda Koonfurta Suudaan ee Juba.

Warbaahinta gudaha ayaa sheegtay in dagaalka uu u dhexeeyay laba ciidan oo ka tirsan ilaalada madaxtooyada. Waxaa uu dagaalka ka socday xero militeri oo ay leeyihiin ciidanka ilaalada madaxtooyada.

Afhayeen u hadlay militeriga Koonfurta Suudaan ayaa codsaday “in dadka rayidka ah aanay ka soo bixin guryahooda, ilaa laga ogaanayo sabata dhalisay israsaasaynta,”

Qaramada Midoobay ayaa walwal ka muujisay arrintaas, waxayna ugu baaqday dhamaan dhinacyada halkaas isku hayo inay isxakameeyaan.

Koonfurta Suudaan ayaa xornimadeeda ka qaadatay Suudaan-ta kale sanadkii 2011-ka, kaddib tobanaan sano oo labada dhinac ay dagaallamayeen.

Xiisad ayaa ka aloosnayd dalkaas tan iyo markii uu madaxweyne Salfa Kiir Mayardit uu xilka ka qaaday madaxweyne kuxigeenkiisii hore Riyek Mashar.

 

Comments are closed.