Xaaji Cabdi-Waraabe Muxuu Ka Yidhi Siilaanyo?

28
780

adeeeroHargeysa (Geeska) – Xildhibaan Xaaji Cabdikariin Cabdi Xuseen (Cabdi Waraabe) oo ka mid ah Waxgaradka ugu da’da Somaliland, isla-markaana ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida, ayaa talooyin dhaxal gal ah u jeediyay shacabka reer Somaliland, xukuumadda iyo xisbiyada Mucaaradka ah.

Xaaji Cabdi Waraabe, oo habeen hore ka qayb-galay Madal lagu soo bandhigay Buugga SAMO-TALIS oo ka waramaya taariikh nololeedkiisa, ayaa sidoo kale waxa uu weedho kaftan ahaa ugu duur-xulay Guddoomiyaha Golaha Guurtida, Saleebaan Maxamuud Aaden, isaga oo sidoo kalena wax ka tilmaamay waxqabadka xukuumadihii kala dambeeyay Somaliland soo mara.

Xaajiga oo ugu horeyn ka hadlaya waxqabadkii Marxuum Cigaal, ayaa yidhi “Marxuum Cigaal, wuxuu mahad ku lahaa wuxuu yaqaanay dawladnimada oo seeska ayuu dhisay, wasaaradihii ayuu wada dhisay, askartii ayuu dhisay, Milatarigu waakii xidhay oo muu xoogeyne booliskii ayuu xoogeeyay, Rayaalena Milatariga ayuu dhisay, markuu dhintay (Cigaal) ayaanu nidhi maxaynu yeelnaa haddii aynu bariinno (Mayd Bariinno) guurtidayada boqol nin ayaa isa soo sharixi, halkii lanoogu sheegay ayaanu ku saarnay (Rayaale), Cigaalna dardaaran ayuu noo lahaa oo wuxuu yidhi, waan xanuunsanaya ee Caawa haddii aan dhinto ninkaa saara, dul-buu leeyahaye, Rayaale dul-buu lahaa, markii doorashada laga helay ayuu si sharaf leh kaga degay (Xilka), meesha uu tago iyo dawladda uu u tagaba waa Madax”

Xaaji Cabdi Waraabe, waxa kale oo uu ka hadlay “Afarbaa qabtay (Madaxwaynenimada Somaliland), Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa u dambeeyay, siduu u wadana ninkii caqli lihi wuu garanayaa, yaan lala dooran (lala tartamin) lama laha, yaan la mucaaradin lama laha, laakiin nin Mucaaradka ahi waa inuu wax dhiman sheegaa, inuu waxa jira qariyo maaha. Maanta dawladda aynu nahay caalamku aad ayuu inoogu bogay, ILAAHAYNA wuu inoo bogay oo nabadgalyo ayaynu isa siinay, xaragadeenana waad arkaysaan”ayuu yidhi, waxaanu intaasi raaciyey “Shir beeleed waxaynu kaga soo baxnay Burco, markii la isku keenay beelaha Somaliland, ninka shir beeleed hadal haya isagaa is dilaya, Mucaaradku Madaxnimo ayuu doonayaa iyo inuu dawladnimada qabto, xaq-buu u leeyahay, laakiin hadduu u caal waayo waa inuu waxa dhiman sheegaa, waa inuu (sheegaa) Shidaalkii lama soo saarin, sibidhkii (Warshaddii Sibidhka) lama dhisin oo waa qabyo, dhulkeenuna sibidh badan ayuu leeyahay, istanbar badan ayuu leeyahay, shidaal badan ayuu leeyahay midna looma dhaqaaqin, waxaa inoo ku canaanto weeyaan, ninka yidhaahda waxba lama qaban, Jaamacaddan (Jaamacadda Hargeysa) waxa keentay inan, waxa keentay ina Yuusuf Xaaji Aaden Qabile”

Xaaji Cabdi Waraabe, oo sii wada Tallooyinka uu u jeedinayo shacabka, ayuu yidhi “Waxa la yidhi, nin weyni wuxuu cunaana waa JAL, wuxuu yidhaahdaana waa Tallo, Somaliland ninka maanta Mucaarad ugu soo baxa waa dahab, Mucaaradku waa dhismaha dawladda, annigaa Mucaarad ah, Maxamed Siyaad Barre, habeenkii uu aqalkaa yimid (Hargeysa) ee uu yidhi Hargeysa farbaa ku godan, Xaaji Gaydh ayuunbaa iga raacay kunkii nin ee u soo shiray, inaad xaal na siiso, dawlad-baanu kuu dhiibnay, waad naga qadisay, kaamaanu cabane waa inaad sheegtaa waxaad u tidhi “Hargeysa Far-baa ku godan”, xaal-baan ka bixiyey ayuu yidhi, markaa Axmed Maxamed ha u dambeeyeen, nin walba halka dhiman-baan u sheegaa, walaahi-baanan nina uga habran, in Hargeysa biyo la’dahay waan u sheegaa, in dadkii weli dibjir yahay oo aan guryo loo dhisin waan u sheegaa, waddooyinka waanu u tilmaanay oo wuu wadaa, wax weynbaa la qabtay, kii qabtayba, laakiin waxbaa dhiman, waan ka badin waxaa ha yidhaahdo ninka Mucaaradka ahi, qabyaaladda ha iska ilaaliyaan”

Xaaji Cabdikariin Cabdi Xuseen, waxa kale oo uu hadal kaftan ah ugu duur-xulay Guddoomiyaha Guurtida “Waxa lagu xantaa (Madaxwaynaha) waa nin Habar-jeclo ah oo waa Qabiile, Isaaqu waa Habar-Magaadle iyo Habar-jeclo, waxaan idhi waar Habar-magaadle waanu ka xishoonaaye, maxaa Habar-jeclo looga xishoon waayay Saleebaanow (Guddoomiyaha Guurtida), wuxuu yidhi taayadu way hirgashay, xanta midhkaas ayay ku daraan, anniguse ma hayo meel uu (Madaxwaynuhu) Habar-jeclo-na ku dhisayo, Habar-magaadle-na ku duminayo, yaan sidaa loo odhan ee (Waa in la yidhaahdaa) waxaas ayaa dhiman iyo haddaanu xilka qabano waanu ka badin, Faysal iyo colkiisu sidaa ha yidhaahdaan, wax lama qaban hadday yidhaahdaan miyeynu maqlaynaa..waa Maya” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Maanta siday ku faa’idi lahaayeen Hadday innaga qumaati inoo ictiraafaan (Soomaaliya), illeyn annaga ayaa hooggan lahayne, waayo Cigaal ayaanu ku nidhi waynu kala tagi karnaa iyo ma kala noqon karno midna ha qorin, ma lahayn Cigaal (Midayntii hore ee Somaliland iyo Somaliya), 66-kayagii kale ayaa lahayn oo nidhi midna (Labadaa) ha qorin ee dhiib, dadka dambe ha innagu daydee.. markaa haddii ay wanaajiyaan oo ay si wanaagsan u haneeyaan innaga ayaa wax la qaban oo way heshiin lahaayeen, waxaan leeyahay waar wadada wanaagsan ku soo baydha, deg-deg isugu soo noqon mayno, walaalo ayaynu nahay, golaayasha aynu iska caawino, oo sidaa Carabta  aynu dhowr Madax ah yeelano (Madaxwaynayaal)”

 

 

Comments are closed.