Hargabka Shimbiraha Oo Ka Dillaacay Maraykanka Iyo Dalal Joojiyey Hilibka Digaagga Ee Looga Soo Dhoofiyo

0
639

Moscow (Geeska) Haayadda dhowrista tayada cuntada ee dalka Ruushka ayaa salaasadii toddobaadkii hore mamnuucday in dalka Ruushka la soo geliyo digaagga nool, beedkooda iyo hilibkooda laga keeno dalka Maraykanka iyo sidoo kale dhammaan cuntooyinka maaddooyin laga soo dheegtay digaaggu ku jiraan ee looga soo waarido Maraykanka, kadib markii la xaqiijiyey in cudurka digaagga ku dhaca ee Hargab shimbireedu uu ka dillaacay dalka Maraykanka. Sidoo kale ganacsato u dhalatay dalka Maraykanka ayaa iyaguna sheegay in dalka Kuuba uu joojiyey in dalkooga la soo geliyo hilibka digaagga iyo cuntooyinka kale ee laga sameeyo, xanuunkan dartii.

Hargab shimbireedka ayaa ah xanuun marka uu dillaaco si xawli ah u faafa oo ay dadku sahal u kala qaadaan, in kasta oo dawooyin lagula tacaalaa jiraanna waxaa adag daweyntiisa xawliga uu ku socdo darteed, gaar ahaan dalalka dhaqaalahoodu hooseeyo ama aan horumarka badan ka samayn dhinaca caafimaadka.