Madaxweyne Siilaanyo Oo Maanta Safar Kedis Ah Ku Tagaya Addis Ababa Iyo Arrimaha Uu U Socdaalayo

0
574

Picture6Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa la filayaa inuu maanta magaalada Addis Ababa ee wadanka Itoobiya ugu ambobaxo safar qaadan doona laba maalmood.

Ma jiro war rasmi ah oo ay madaxtooyada Somaliland ka soo saartay socdaalka Madaxweyne Siilaanyo oo toddobaad ka hor uun socdaal habeen qaatay ku soo maray wadanka Itoobiya, markii uu ka soon oqday Imaaraadka Carabta. Hase yeeshee ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu magaalada Addis Ababa kula kulmi doono raysalwasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn, iyagoo ka wada hadli doona xidhiidhka labada wadan iyo xoojintiisa. Warku wuxuu sheegay inay labada hoggaamiye kulankooda diiradda ku saari doonaan xidhiidhka ganacsi ee labada wadan iyo sababta hortaagan bilawga kulamo dhex mari lahaa bishan wasiiro ka tirsan labada dawladood oo qorshayn doona hirgelinta heshiisyo ganacsi oo dhex mara labada wadan kuwaas oo hore loogu heshiiyay. Socdaalka Madaxweynaha ayaa waxa kale oo uu ku soo beegmayaa iyadoo aanay maalmahan safaaradda itoobiya fiisayn Basaboorka Somaliland, inkastoo ay wasaaadda khaarajiga Somaliland sheegtay inay fiisooyinka u xanibanyihiin istiikarada fiisaha oo kala go’ay.

Madaxweyne Siilaanyo waxa safarkiisa ku wehelinaya wasiirkiisa arrimaha dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis iyo masuuliyiin kale, waxaana la filayaa inuu soo laabto laba maalmood ka dib.