Halista Caafimaad Ee Calool Istaaggu Keeno Oo Culimada Caafimaadku Ay Ka Digeen

0
812

Picture1Washington (Geeska)- Khabiir caafimaad oo u dhashay dalka Maraykanka ayaa ka digay halis caafimaad oo uu sheegay in calool istaaggu qofka ku keeno. Khabiirka oo dadka kula taliyey in ay iska ilaaliyaan calool istaaggu, waxa aanu sheegay in uu inta badan keeno dhibaatooyin caafimaad oo khatar ah.

Khabiirkan lagu magacaabo Dr. Jaconsfield Nicholas oo madax ka ah Qaybta caafimaadka gudaha ee xarunta caafimaadka ee Mayo Clinic Jacksonville ayaa sheegay in calool istaaggu sabab u noqdo cudurro badan oo ay ka mid yihiin, Babaasiirta, mushkiladaha dheefshiidka, midhicirada iyo weliba khal-khal ku yimaadda kaadi mareenka. Dr. Nicholas oo u waramayey barta internet ka ee Health day News ayaa yidhi, "Dadka intooda badani waxa ay ka cabanayaan mushkilado iyo xanuunno xidhiidh la leh, calool istaag soo noqnoqda" Daraasado kale oo laga sameeyey dhibaatooyinka caafimaad ee calool istaagga ayaa daahfuray in astaamaha uu qofku ku garan karo caloos istaagga haya ay ka mid yihiin, saxarada oo aad ugu adkaata iyo qofka oo mar walba dareema in calooshiisu aanay ka madhnayn qashin.

Ugu dambayntii waxa ay khubaradu kula taliyeen dadka ka cawda calool istaaggu in ay badsadaan cunista khudaarta aan la Karin iyo dareeraha, waxa kale oo ay aad uga digeen in ay isticmaalaan cuntooyinka caloosha gubitaanka ku keena sida noocyada kala duwan ee busbaaska.