Cabdiraxmaa-Cirro Iyo Faysal Oo Dadweynaha Burco Iyo Borama Kala Qayb Galay Xuska 18 May

0
642

Picture2Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyayaasha labada Xisbi Mucaarad ee Waddani iyo UCID Cabiraxmaan Maxamed Cabdillaahi  (Cabdiraxmaan Cirro), iyo Faysal Cali Waraabe, ayaa Munaasibada Xuska madax banaanida Somaliland ee 18-may, ayaa dadweynaha reer Somaliland ee ku  dhaqan Magaalooyinka Boorama iyo Burco kala qeyb galay Xuska Sannad guurad 24-aad ee ka soo wareegtay aasaaskii Somaliland.

Guddoomiyayaasha Xisbiyada Mucaaradka oo iyagu la hadlay dadweynaha ay kala qeyb galeen Xuska 18-may, ayaa ka hadlay muhiimada iyo ahmiyad ay u leedahay maalinta 18-may, qiimaha ay dadka reer Somaliland ugu fadhido, iyo waajibka saaran qof walba oo dalka u dhashay,

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID oo isagu booqasho ugu tagay Ciidanka Somaliland ee Barriga  doraad, ayaa isaga oo ka hadlay xaalada dalka, muhiimada ay ciidanku leeyihiin iyo digniin uu diray madaxda Somaliya ayaa yidhi  “Walaalayaal waa in Ciidamadeena aynu garab istaagnaa, waa in Mushaharka loo kordhiyaa, waa in damiirka loo shidaa, maantoo kale waa in Hilib la siiyaa walaalayaal, waa in Lacag la siiyaa oo la dhiiri galiyaa. Walaalayaal Ragga(Ciidanka) inoo heeganka ah ayaan salaam u dirayaa inta aynu inagu halkan habar-habarta isku haysanno”

 Eng Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu la hadlaayey Madaxda Somaliya yiddhi  “Muqdisho waxaa fadhiya maanta oo Aduunka dhakada ka saaray Caruur yaryar oo ku kacday Iskuulkii Maxamed Siyaad Barre, oo aan garanayn wixii aynu ahaan jiray iyo inaynu qaran ahaan jiray, oo aan garanayn inaynu halgan galay, oo in la ina xasuuqay aan ogayn oo Idaacadda ka dhegaysan jiray Kubaddii gobolada ayaa Hargeysa lagu qabanayaa inagoo halganka ku jira, waxay inoo haystaan in inaga iyo Garbahaaray isku mid nahay, inaga iyo Garoowe,Kismaayo ayay ina simayaan. Walaalayaal Ciyaalkaasi waxay ku jiraan Taangiyo African wadaan, waxaa xukumada Nin Ingiriis ah oo Nicholas Kay la yidhaa oo amarka siiya, Soomaali wuu baabiiyay oo wuxuu ka dhigay 5 qaybood. Hadda inagay inoo soo jeesteen oo leeyihiin Somaliland hala soo qabto, Garoowe may inna qaban kartaa walaalayaal? Waa maya,”.

Gudoomiyaha UCID mar uu ka hadlaayey dhibaatada Qabyaalada ayaa yidhi “Dalkan waa la xoreeyay waa loo dhintay, 85% dhalinyaro ayaa joogta, mustaqbal baad u baahan tihiin oo reer hebel iyo reer hebel Mustaqbalkiinna dhisi maayo ee Somaliland ku hadaaqa. Qabyaalad cidda idiinla timaada walaalayaal iska naara waa Shayaadiine. Dad u dhashay Somaliland ayaa Muqdisho jooga oo Khaatumo la baxay oo USP la baxay Alle ha soo hadeeyo ayaan leeyahay kuwaasna”

Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Masuuliyiin ka tirsan Xisbigiisa oo iyaguna dadaweynaha reer Boorama kula xusay xuska maalinta 18-may, ayaa khudbad dhinaayo badanaysa oo uu kaga hadlayo qiimaha ay leedahay maalinta 18-may ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in dadweynaha reer Awdal uu kala qeyb galo xuskan, waxaana kale oo uu tilmaamay inaan loo baahnayn muddo kordhin ee loo baahan yahay midnimo iyo in  dalka la wada ilaashado,  hadalkiisi wuxuu ku bilaabay sidan “Farxad gaar ah ayey ii tahay in Shacabka reer Awdal kala soo qeyb galo Munaasibada Maalinta Qaranimada Jamhuuriyada Somaliland, sida aad hore u xusteen Maalinta Qaranku waxa ay ka farxinaysaa Shacabka reer Somaliland, waxa ay ka nixinaysaa cid kasta oo aan Somaliland jeclayn, waxa ay been ka dhigaysaa xantii maalmahan yar jirjirtay, waxaynu u baahan ahay maalintaas qaranimada, ee Burco laga dhaliyey, ee tiirarka loogu taagay Boorama, inaynu wada ilaashano, Qaranmimada weynu wada leenahay, dawladnimada weynu wada leenahay, dalka weynu wada leenahay, qofna qof kama laha, weynu wada ilaashanaynaa, waxaynu u baahan nahay midnimo qaran, dhibaato kasta weynu kaga bixi karnaa,waxay ila tahay midnimo qaran ayeynu u baahnayn ee muddo kordhin umaynu baahnayn,

 Dhanka kale Guddoomiyaha Xisbiga Waddani  iyo wefti uu hogaaminayo ayaa Shalay Subixii Meherada kala quraacday Shacabka, taas oo dadweynihii meheradaas ku sugnaa aad u soo dhaweeyeen, isla markaana u mahadnaqeen