Hal Qof Oo Ku Dhintay Shil Ka Dhashay Buur Ku Soo Duntay Waddada Galbeedka Hargeysa

0
417

Hargeysa (Geeska) – Inta la ogyahay Hal Qof ayaa ku dhintay, ugu yaraan 7 kalena way ku dhaawacmeen, kadib markii ay buur waddada ku teedsani soo duntay xilli ay is dhaafayeen gaadhi bas ah oo rakaab siday iyo gaadhi kuwa xamuul ka ah duleedka galbeed ee Hargaysa.

Qofka ku dhintay shilka ayaa ahaa wiil dhalinyaro ah oo lagu magacaabi jiray Jimcaale Cumar, sida ay baahisay Mareegta Wararka ee Hiiraan Online.

Dadka shilka ku dhaawacmay ayaa lagu daad-gureeyay Cisbitaalka wayn ee Hargeysa, halkaasi oo caafimaad kooda lagula tacaalayo.

Shilka noocan ah ayaa ah mid ugub ah, halka shilalka badankoodu ay ka dhashaan baabuur isku dhacday ama baabuur qalibmay.

 

Geeska.net/Hargeisa Office