Xidhibaan Ka Tirsan Guurtida Oo Ka Hadlay Loolanka U Dhexeeya Xisbiyada Mucaaradka Ah Iyo Xisbul Xaakimka

0
452

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Saleebaan Garas Seed oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa sheegay in cid kasta oo Somaliland lid iyo cadaw ku ah inay ka naxday Doorashooyinkii isku sidkanaa ee dalka mar ka wada qabsoomay, waxaanu tilmaamay in muxaafid iyo mucaaradba mar walba looga baahan yahay inay danta qaranka meel uga soo wada jeestaan.

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Haddii aanu nahay Golihii Guurtida waxaanu Gole ahaan aanu awooddaa saarno ilaalinta diinteena, dhaqankeena iyo nabadgalyadeena, waana qodobo ka mid ah waajibka iyo xilka na saaran, iyadoo ay aad u badan yihiin waajibka qaranka naga saaran, sidaas awgeed waxaa mar walba la inooga baahan yahay ku dedaalno ilaalinta qarankeena”.

Mar uu ka hadlayey Doorashooyinkii dalka ka dhacay wuxuu yidhi “Cid kasta oo cadaw ku ah qaranimadeena way ka naxday Doorashooyinkii dalkeena mar ka wada dhacay, oo wax aanay filayn ayaa kaga soo baxay, waxay filayeen inay Doorashooyinka ay ka dhalayaan dhibaatooyin iyo nabadgalyo daro, laakiin ALLE mahaddii waxay inoogu dhaceen si aad u fiican, oo isku duubni kalsooni iyo is aaminaad ayeynu Doorashooyinkeena u galnay, Mucaarad iyo Muxaafidbana waynu ku wada qanacnay, ee mar kasta waxaa looga baahan yahay Mucaaradka iyo Muxaafidba inay danta qaranka wax walba ka horeeysiiyaan, imikana Xisbiyada Mucaaradka iyo Xisbiga Muxaafidka waxaan u dhexeeya tartan adag oo dhinaca maayarnimada iyo shir-guddoonka golaha Wakiillada ee wixii ka soo baxa ayeynu eegi doonaa, waxaana ku rejo weyn nahay inay tartan fiican tartamaan”.

 

Geeska.net/Hargeisa Office