Madaxweyne Biixi Oo Caddeeyay Inay Ka Go’an Tahay Sidii FARATOON Ku Noqon Lahaa Guddoomiyaha Golaha Wakiillada

0
636

Hargeysa (Geeska) – Madaxweynaha Somaliland, ahna Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Shalay xarunta qasriga madaxtooyada ku qaabilay xildhibaannada golaha wakiillada uga soo baxay xisbiga KULMIYE doorashooyinkii goleyaasha wakiillada iyo deegaanka ee dhawaan dalka ka qabsoomay.

Madaxweynaha Somaliland, ayaa kulanka uu la yeeshay Xildhibaannada Golaha Wakiillada ugu soo baxay doorashadii dhawaan dhacday, wuxuu khudbad dheer oo uu u jeediyey kaga warramay waajibaadka hor-yaalla, Cidda uu shaqsi ahaan dhisayo si uu u gaadho Shir-guddoonka Golaha Wakiillada iyo arrimo kale oo muhiim ah.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo caddeeyey inuu Madaxweyne ahaan dhisayo oo ay ka go’an tahay sidii uu xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) u noqon lahaa guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, isaga oo sharraxay sababaha keenay inuu noqdo qofka ugu mudan ee golahaas hoggaamin kara, waxaana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi “Anigu waxaan dhisayaa Prof. Yaasiin”

Madaxweynuhu wuxuu sharraxay sababta uu Faratoon ula doonayo inuu noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada  Somaliland “Dad baa jira la yidhaahdo AHLU BEDER oo maalintay adkayd dalkan wax ka qabtay, Badhasaabkii ugu horreeyey ee 1991-kii iyada oo dadka oo dhammi qori wada sito ninkii ka hortegay ee nabadeey yidhi buu ahaa (Faratoon), Toddobadii shir ee Bari lagu qabtay ninkii ku jirey buu ahaa, dawladdii ugu horraysay iyo tii Cigaal ba ka mid buu ka ahaa, Taariikhdaas buu ku leeyahay, nasiibna wuu ku leeyahay.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa u daray oo uu ka hadlay  guul uu sheegay in xisbiga KULMIYE iyo xukuumadda ka dhalatay kasoo hoysay doorashadii ina dhaaftay ee goleyaasha wakiillada iyo deegaanka iyo sida ay kor ugu qaadday aaminnaadii iyo sumcaddii ay beesha caalamku ku qabtay Jamhuuriyadda Somaliland, “Caalamka oo dhan iyo Somaliland, ayaa KULMIYE u qirtay inuu danta Somaliland iyo ictiraafkeeda ku hawl jiro uga markhaati furay, waxaa markhaati dhacayaana KULMIYE ayey u dhacayaan, KULMIYE-na waynu u simannahay oo madaxweyne ma leh, guddoomiye ma leh wasiirna malaha laakiin waa loo kala badan yahay, laakiin qof kasta oo KULMIYE ah ayuu guushaas Somaliland oo dhan mucaarid iyo muxaafidba u u qirayaa, caalamkuna u qirayaa,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Hadalka Madaxweynaha Somaliland ku sheegay inuu dhisayo Faratoon si uu u noqdo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa ku soo beegmaya xilli Labada Xisbi ee WADDANI iyo UCID-na isku bahaysteen sidii ay Guddoomiyaha Golahaasi Mucaaradku u qaadan lahaayeen, iyagoo hore uu xisbiga WADDANI uu Guddoomiyaha golahaasi u soo sharraxay inuu noqdo Cabdirisaaq Khaliif Axmed, kaasi oo Xisbiga WADDANI uga soo baxay Gobolka Sool, gobolkaasi oo dabcan uu Fararoona ka soo baxay.

Xisbiyada UCID iyo WADDANI, ayaa leh Aqlabiyadda Golaha Wakiillada, waxaana marka la isku daro Mudaneyaasha labada Xisbi noqonaysaa 52 Xildhibaan, maaddaama oo WADDANI helay 31 Xildhibaan, UCID-na 21, taasi oo tiradadooda guud ka dhigaysa 52 Xildhibaan, laakiin lama oga sida ay ku suurto-geli karto in Kulmiye oo haysta 30 Xildhibaan uu ku heli karo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada.

 

Geeska.net/Hargeisa Office