Hal-Qabsiyo Iyo Maahmaaho Ay Ummadaha Kala Duwan Ee Dunidu Ka Yidhaahdeen Dumarka (1)

0
716

Hargeysa (Geeska)- Qormadan waxa uu wargeyska Geeska Afrika ka yidhaahdeen dumarka:

– Japan: Shaydaanku waa macalin ragga, laakiin dumarka waa u arday, (Maahmaah).

– Hungry: Hooyada eeg, kadib inanta guurso. (Inanta aad guursanayso hooyadeed baa la eegaa) (Maahmaah)

– Czech: (Maahmaah) Gidaar ciiraya iyo gabadh midna ha isku hallayn hana cuskan. Masar: (Maahmaah).

– Ilmahaagu waa hadba waxa aad ku barbaariso, xaaskaaguna waa waxa aad barto uun.

– Haddii uu ninku bad ahaan lahaa, gabadhu biriish lagaga tallaabo ayaa ay noqon lahayd.

– Ingiriiska: Gabadha hubkeeda ugu weyni waa carrabkeeda.

– Gabadha Foosha xumi ninka waa u calool xanuun joogto ah, gabadha quruxda badanina waa u madax xanuun.

– Xubinta ugu dambaysa ee ninka ka dhimataa waa qalbiga, dumarkana xubinta ugu dambaysa ee dhimataa waa carrabka.

Portugal: Gabadhii laba wada jeclaataa labadaba waa ay khiyaamaysaa.

India: Gabadhu hadalka ma joojiso illaa ay oydo.

France: Maalka iyo gabadhuba waxa ay lumiyaan ninka.

–  Ninku waa dab, gabadhuna waa xaabo, Iblaysna waa dabayshii hurinayey.

– Ireland: Saddex nooc oo ragga ahi dumarka ma fahmaan; Dhalinyarada, odayaasha iyo gadh madoobaha. (Macnaheedu waa in aanay ragga isba fahmin, marka laga reebo ubadka ay korinayaan).

– Germany: Nina aan xaas lahayni waa Madax qaarkii dambe uu ka maqan yahay. Gabadh aan nin lahaynina waa jidh bilaa madax ah.

– Spain: Indhaha ayaa ay gabadhu wax ku codsataa, wax ku qaadataa, wax ku nacdaa, waxna ku dishaa.

– Gabadha iyo adduunyadu waa sida Hadhkaaga, haddii aad daba gasho waa ay kaa carari, haddii aad ka carartana waa ay ku daba geli.

– China: Dumarka iyo Madaxdu waa isku mid, waa dhif in ay labadooduba helaan saaxiib daacad ah. La soco…