Hal-Ku-Dhegyo Bulshooyin Kala Dhaqanno Ahi Ay Dumarka Ka Yidhaahdeen

0
737

Hargeysa (Geeska)- Waa qormo kale oo uu wargeyska Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayo hal-ku-dhegyo dhaqanno kala duwan laga soo dheegtay oo ka hadlaya dumarka iy odabeecadahooda ay bulshooyinka ereyadan lahaa ka aaminsanaayeen. Kama turjumayaan aragtida waregyska ee dumarka ku aaddan, balse waxa uu dareensan yahay muhiimadda ay leedahay in la ogaado aragtida bulshooyinka dunida innagula dhaqan:

– Mar walba guurku waa lagama maarmaan ee raadi gabadh. Haddii aad hesho mid fiican waxaad helaysaa badhaadhe, haddii ay noqoto mid xunna waxa aad helaysaa khibrad, labada midna khasaare ma’aha.

– Su’aasha ugu adag ee raggu aanay jawaab u helin waa, Maxay Gabadhu doonaysaa?

– Ninka uu guurkiisu waaraa waa ka gabadha u qirta khaladkiisa, kana raali geliya. Khaladkeedana kaa aamusa ee aan ka dalban in ay ka cudurdaarato.

– Gabadha wanaagsani waa ta saamaxda ninkeeda marka ay iyadu khaldanto. (Ta aan khaladkeeda ku moosin ninka).

– Guurku waa Dagaalka keli ah ee ninku uu barbar seexdo Cadawgiisa.

– Ninka ay gabadhu jeceshay waa ka mar walba u sheega xaaskiisa in ay tahay xuural caynta dunid (Ammaana).

– Gabadhaada dagaal ha la’ gelin, laakiin haddana iska jir in aad nabad waarta la saxeexato.

– Dumar ta ugu doqonsan ayaa khiyaamayn karta rag ka ugu garaadka badan.

– Gabadhu ma’ awooddo in ay is-disho, laakiin waxa ay kartaa in ay ninka ku kalifto in uu is dilo.

– Gabadhu inta aanu ninku guursan waxa ay u taqaannaa Geesi, Marka uu guursadana Maxbuus.

– Xilliga haasaawaha Inankaa hadla, inantuna way dhegaysataa, Marka guurka lagu heshiiyana, Aroosaddaa hadasha arooskuna wuu dhegaystaa, marka guri ay isugu yimaaddaana labadooduba way hadlaan deriska ayaana dhegaysta.