Duruusta FBI: Farsamooyinka Ugu Habboon Ee Aad Qofka Kale Ku Ogolaysiin Karto Waxa Aad Adigu Rabto

0
677

Picture1Hannaanka ugu fiican ee kooxaha la xaajooda afduubayaashu ay ku beddelaan maskaxda qofka kale (Q:1aad)

Hargeysa (Geeska)- Jaamacadda caanka ah ee Harvard qaybteeda sharciga ayaa barnaamij ay ugu magacdartay Program on Negotiation oo loo soo gaabiyo (PON) waxa ay ku soo qaadatay xeelad cusub oo dadka afduubayaasha ah lagula xaajoon karo si hab nabdoon loogu qanciyo in ay ka tanaasulaan afduubka. Habka cusub oo loo bixiyey “The behavioral change Stairway model” waxaa curiyey wakaaladda dembi baadhista maraykanka ee FBI, qaybteeda la xaajoodka, waxa aanu ku salaysan yahay Shan tallaabo oo si fudud u suurtogelinaya in aad qofka kale ku tusi karto aragtida aad ka duulayso, kuna qancin karto in uu beddelo waxa uu marka hore ku hawlanaa.

Qoraalkan oo uu Geeska Afrika u soo turjumay akhristayaashiisa waxaa lagu baahiyey majalladda toddobaadlaha ah ee TIME oo ka soo baxda dalka Maraykanka, waxaana lagu bilaabay sidan, “Ma’aha tallaabooyin wada xaajood oo waxtarkoodu ku kooban yahay uun marka lala xaajoonayo dembiilayaasha hubaysan oo keliyam balse waxa kale oo la adeegsan karaa ar kasta oo la doonayo in la soo gebgebeeyo muran iyo khilaaf taagan”

Waaa jira shan tallaabo:

1. Dhegeysi firfircoon: Marka koowaadba waa in aad si fiican ugu dhegraaricisaa warka uu ku siinayo dembiilaha aad la xaajoonayso ama qof kasta oo khilaaf idin dhex yaallo oo aad wada hadal la furto. In aad dhegeysato oo keliya ma’aha ee sidoo kale dareensii in aad dhegeysanayso oo aad laabta u furtay hadalkiisa.

2. Tusidda in shucuurta uu qabo aad la dareemayso: Inta badan waxaa dhacda in qofka kula doodaya ee waxtabanayaa uu u qaato in aanad dareemayn shucuurta hoose ee uu qabo, maadaama oo dhibta uu tirsanayo aanad la qabin. Marka aad qof la xaajoonayso dariiqa labaad ee aad ku kasban kartaa waa in aad tusto in aad si fiican u fahmayso, xanuunka ama shucuurta uu qabo, dhibta ay leeyihiin, sababta keenaysa iyo xitaa in qofka shucuurtaas oo kale qabaa uu ku kici karo tallaabo la mid ah tan uu qofkani hadda ku kacay.

3. Is-faham iyo kalsooni dhisid: Qodobka hore waxa uu ka hadlayaa in qofkan aad la xaajoonayso aad dareensiiso dareenka aad adigu ka qabto. Qodobkanina waxa uu ka haldayaa in aad dhisto dareen togan iyo kalsooni uu qofku isagu kugu qabo oo dabcan ka dhalanaya kaa hore ee aad adigu tustay. Marka aad kaa hore dhammaysaba waxa uu qofku bilaabayaa in uu ku aamino.

4. Raad ku yeelasho: Mar haddii imika uu qofku ku aaminay, waxa aad joogtaa xilliga ugu habboon ee ay tahay in aad toos u abbaarto in adiga iyo qofkani aad wada xallisaan mushkiladda, adiga oo weliba soo jeedinaya tallaabooyin cad-cad oo ah kuwa ay kula tahay in xalka ay keeni karaan.

5. Anshax-beddel: Marka aad afartaas tallaabo u soo marto hab cilmiyeysan oo aad hubinayso in mid kasta aanad ka gudbin illaa aad xaqiiqsato in ay dhabowday, waxaa hubaal ah in qofku uu hadda diyaar u yahay in uu ka noqdo ficilkaas hore oo uu kula qaato xalka aad wadatay oo ah in uu faraha kala baxo waxa uu ku jiray, waana marka aynu aragno qofka oo inta uu gacmaha kor u taagay is-dhiibaya.