Madaxweyne Siilaanyo Oo Caawa Golihiisa Xukuumadda Ku Sameeyay Magacaabis, Xil Ka Qaadis Iyo Isku Shaandhayntii Ugu Balaadhnayd Magacaabis

0
633

silanayoHargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa caawa sameeyay isku shaandhayn, xil ka qaadis iyo magacaabistii ugu balaadhanayd.

Madaxweyne Siilaanyo, waxa wasiirada uu isku bedelay ka mid ah wasiirkii maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale oo noqday wasiirka waxbarashada, halka wasiirkii waxbarashada marwo Samsam Cabdi Aadan ay noqotay wasiirka cusub ee maaliyadda.

Digreetada Madaxweyne Siilaanyo oo aad u balaadhnayd oo uu ku saxeexnaa xoghayaha xafiiska saxaafadda ee madaxtooyada Naasir Yuusuf Daahir,  waxay u dhignayd sidan: “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3002/022015 uu xilka qaadis, magacaabid, iyo isku bedel balaadhan ku sameeyey golaha wasiirada, w/kuxogeenada, Agaasimeyaasha guud qaar ka mida, Taliyeyaasha Ciidamada iyo Hay’adaha Madaxa banaan.

Madaxweynuhu:-

Markuu Arkay:       Qodobka 90aad, Faqradiisa 2aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:               Ahmiyadda weyn ay Wasaaraduhu u leeyihiin Dalka iyo dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:       In baahi loo qabo buuxinta jagada Wasiirada Wasaaradda dalka iyo W/ku-xigeenada Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Ka Fiirsaday:           Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo;

Markuu ku Qancay:              In ay hanan karaan xilalkan loo magacaabay;

Wuxuu go’aansaday

 

 

LIISKA WASIIRADA CUSUB IYO KUWA LA ISKU BEDELAY

1. In Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore W/xanaanada Xoolaha)

2. In Mudane, Cali Siciid Raygal, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore W/Dhalinyarada iyo  Cayaaraha)

3. In Mudane, Axmed Cabdi Kaahin, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland

4. In Mudane, Cabdicasiis Maxamed Samaale, uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore W/Maaliyada)

5. In Marwo, Samsam Cabdi Aaden, ay ahaato Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland (hore W/Waxbarashada)

6. In Mudane, Baashe Cali Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Biyaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

LIISKA WASIIR KU XIGEENADA LA ISKU BEDELAY IYO KUWA CUSUB

1. In Mudane, Cabdi Daahir Camuud, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Amniga ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

2. In Mudane, Axmed Faarax Cadare, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Maamulka Gobollada iyo Degmooyinka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

3. In Mudane, Cismaan Garaad Soofe, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta ee Jamhuuriyadda Somaliland

4. In Mudane, Xasan Daahir Dhimbiil, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Caafimaadka ee Jamhuuriyadda Somaliland

5. In Mudane, Axmed Maxamed Nuur (Indha-case), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland

6. In Mudane, Nuur Cismaan Guuleed, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Jamhuuriyadda Somaliland

7. In Mudane, Cabdikariim Axmed Mooge, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta ee Jamhuuriyadda Somaliland

8. In Mudane, Cali Axmed Maxamed (Dhegoole), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warshadaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

9. In Mudane, Cali Maxamed Cilmi (Gadh-dheer), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

10. In Mudane, Cabdiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir, uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland

11. In Marwo, Shukri Xariir Ismaaciil, ay ahaato Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka ee Jamhuuriyadda Somaliland

12. In Mudane, Yuusuf Cismaan Garas, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dhalinyarada, Ciyaaraha iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Somaliland

13. In Mudane, Cabdirashiid Xuseen Cabdille (Carab), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Garsoorka ee Jamhuuriyadda Somaliland

14. In Marwo, Nimco Xuseen Qawdhan, laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Dib-u-dejinta ee Jamhuuriyadda Somaliland

15. In Mudane, Siciid Cabdi Maxamuud Jaamac, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Duulista Hawada ee Jamhuuriyadda Somaliland

16. In Mudane, Jaamac Cabdilaahi Biin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Gaashaandhigga ee Jamhuuriyadda Somaliland

17. In Mudane, Maxamed Xaaji Aadan Cilmi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland

18. In Mudane, Axmed Nuur Aw Cabdi Shaacir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Maaliyadda ee Jamhuuriyadda Somaliland

19. In Mudane, Rashiid Ismaaciil Kaahin, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Jamhuuriyadda Somaliland

20. In Mudane, Cumar Sheekh Maxamed Faarax, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland

LIISKA TALIYEYAASHA CIIDADAMADA $ AGAASIMEYAASHA GUUD

1. In General Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland (Hore Taliyaha Asluubta)

2. In General Maxamed Cismaan Xudhuun, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Jamhuuriyadda Somaliland

3. In Mudane, Cabdi Xirsi Ducaale, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Abbaanduulaha Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland

4. In Mudane, Mawliid Weris Cabdillaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warshadaha ee JSL

5. In Mudane, Maxamed Faarax Xirsi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee Jamhuuriyadda Somaliland

6. In Mudane, Cabdi Axmed Nuur (Cabdi Gurey), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda ee Jamhuuriyadda Somaliland

7. In Mudane, Xasan Aadan Geedi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland

8. In Mudane, Maxamed Cilmi Xuseen, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga ee Jamhuuriyadda Somaliland

LIISKA HAY’ADAHA MADAXA BANAAN

1. In Mudane, Maxamed Mixiile Boqore, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda ee Jamhuuriyadda Somaliland

2. In Mudane, Siciid Xasan Cabdilaahi, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Hay’adda Xidhiidhinta Raashinka (FCA) ee JSL

LIISKA LA-TALIYEYAASHA MADAXWEYNAHA JSL

1. In Mudane, Cabdoo Axmed Aayir, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dibedda

2. In Mudane, Maxamed Ibraahim Qabo, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado La-Taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Xisbiyada iyo Doorashooyinka

Xilka Qaadista Masuuliyiintii Hore

Ujeedo: Xil-ka Qaadis

Mudaneyaal,

Waxaan aad iduunku mahadinayaa mudadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan idinka qaado xilalkii aad qaranka u hayseen.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa inaad si niyad sami ah ugu wareejisaan xilalkii aad qaranka u hayseen , masuuliyiinta aan xilalkaa u soo igmaday.

LIISKA XILKA QAADISTA

1. Ku:      Mudane, Maxamuud Axmed Barre (Garaad),  Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

2. Ku:      Mudane, Xuseen Axmed Cabdille,  Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Biyaha     

3. Ku:  Cabdiraxmaan Jaamac Cabdalle, Wasiir ku xigeenka W/Xanaanada Xoolaha JSL

4. Ku:      General, Axmed Aw Cismaan Cabdi, Taliyihii Hore ee Ciidanka Ilaalada Badda JSL

5. Ku:      Mudane, Cabdilaahi X. Jaamac Calas, Abbaanduulihii Hore ee Ciidanka Qaranka JSL

6. Ku:      Mudane, Maxamed Muuse X. Cabdi (Galaydh), Agaasimihii Hore ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada

7. Ku:      Mudane, Nuux Sh. Muuse Ducaale, Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

ALLAA MAHAD LEH

Naasir Yuusuf Daahir

Xoghayaha gaarka ah ee Xafiiska Saxaafada   Madaxtooyada JSL