– Gabadha Quruxda badani waxa ay xaddaa Qalbiga ninka, gabadha waangsanina waxa ay xaddaa caqliga ninka.
– Ninka oo af xidhan (aan hadlin) iyo gabadh ooo dhego xidhan (Aan wax maqlin) ayaa noqon lahaa, lammaanaha ugu farxadda badan dunida.
– Gabadhu laga yaabaa in ay cafido ninka khiyaameeya laakiin weligeed ma ilowdo.
– Qalbiga gabadh waa Luul, waxaana hanta ugaadhsade xariifa ah oo keliya.
– Marka ay gabadhu oydo ayaa ay awooda ninku burburtaa.
– Ninku ma ilaabo gabadha uu ugu hor jeclaado, gabadhuna ma ilowdo ninka ugu hor khiyaameeya.
– Sida ugu habboon ee aad gabadh rayigeeda ku beddeli kartaa waa in aad ku waafaqdo marka hore in ay raygeeda beddesho.
– Shaydaanku waxa uu macalin u yahay ragga, laakiin dumarka waa u arday.
– Gabadhu dabka waxa ay ku bakhtiisaa dhoola caddayn, laakiin waxa ay iska dhigtaa in ay ilmo ku bakhtiinayso.
– Gabadha quruxdeedu waxa ay jirtaa inta uu ninku jecel yahay.
– Gabadhii hadal laga waayo dawadeedu waa sir u sheeg, waxa aad arki iyadoo hadlaysa hawl la’aan.