Cabdiraxmaan Cirro Oo Ka Digay Cawaaqib Xumo Guddo Iyo Dibadba Ah Oo Ka Dhalan Karta Dib U Dhac Doorashada Ku Yimaada Iyo Muddo Kordhin Madaxweyne

0
621

Picture3Hargeysa(Geeska)-Guddoomiyaha xisbiga Waddani oo sidoo kale ah guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka digay cawaaqibka ka dhalan kara muddo kordhin loo sameeyo Madaxweyne Siilaanyo marka ay mudadiisu dhammaato.

Md. Cirro ayaa qoraal Ingiriisi ah oo uu shalay baahiyay wuxuu ku sheegay in muddo kordhinta iyo qabsoomid la’aanta doorashadu keeni karto qodobo halis ku ah qaranimada iyo sumcada Somaliland.  Md. Cirro wuxuu caawibkaas uu ka digay uu ku soo ururiyay sidan “Cawaaqibka ka dhalan kara in muddo kordhin aan sharci ahayn lagu sameeyo muddo xileedka madaxweynaha waxaa ka dhalan kara:

 1. Khilaaf siyaasi ah oo aan la mahadin, iyo in dib loogu noqdo jaahwareerkii dhacay 2008 – 2009kii oo kale.

2. Khatar hor leh oo soo waajahda midnimada Somaliland, taas oo ku sii biirta xaaladda imikaba ka jirta bariga iyo galbeedka dalka, iyo in dadku ka aamin baxaan, haayadaha ugu sarreeya dowladda, taasina ay keenayso in ay daciifto awoodda ay Somaliland u leedahay in ay waajahdo caqabadaha ka jira gobolkan aan xasiloonayn.  3. Waxa ay keenaysaa shaki ay saaxiibbada caalamiga ahi ka qaadaan ballan-oofinta xukuumadda ee ku waajahan geeddi-socodka dimuqraaddiyadda Somaliland.  4. Haddii dib loo dhigo doorashooyinka Somaliland ee 26ka Juun, 2015ka, waxa ay ku fidi kartaa doorashada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ku beegan sannadka 2016ka, taas oo ay ka dhalan karaan cawaaqib aan dan u ahayn mustaqbalka Somaliland.