Haddii Hoggaamiyahaagu Aanu Lahayn Calaamadahan, Ku Talagal In Aanu Guul Kugu Hagi Doonin (Q:3aad)

0
834

Washington (Geeska)- Qaybtii labaad ee Qormadii lagu daabacay majaladda caanka ah ee ‘Forbes’ oo uu qoraaga Mike Myatt kaga warramayey dabeecado iyo habdhaqanno ay tahay in hoggaamiyaha lagu arko, laakiin aan hoggaamiyaha xun laga helin.

  1. Dhugmo la’aan

Hoggaamintu inta ay tahay dhugmo iyo in hawlaha la qabanayo xoogga la saaro, ayaa ka badan inta ay tahay isu dheellitir. Hoggaamiyaha fiicani waa ka aan dabac ka muujin dadaalka uu ugu jiro in uu hawlaha muhiimka ah xoogga saara.

Hoggaamiyeyaasha aan fiirada dheer lahayn, si dhowna aan ula socono faahfaahinta dheeraadka ah ee hawlaha u baahan in ay faragelinta ku sameeyaan. Si kastaba ha ahaato ee hoggaamiyeyaasha caadaysta in si cadaawad iyo kakanaan badani ku jirto xoogga u saaraan tafaasiisha muhiimka u ah fulinta hawlahoodu waxa ay u badan yihiin in ay guuldarraystaan.

Hoggaamiye aan si feejigan u gelin tallaabooyinka uu qaadayo, si dhugmo lehna aan hawlihiisa u gudanin, waxa uu ku dambeeyaa in uu naftiisa iyo cidda uu hoggaaminayaba guuldarro u horseedo. Urur, ganacsi ama dawladii waxa ay guuldarro ugu dhowyihiin marka hoggaamiyaha hagayaa uu lumiyo dhugmada iyo fiirada looga baahan yahay, isla markaana ay isla jaanqaadi kari waayaan dareenka iyo fikirka uu ku eegayo tallaabooyinka u uqaadayo iyo natiijada ka dhalanaysaa saamaynta ay ku yeelanayso wax ku oolnimadii looga baahnaa.

  1. Hoggaamiye mustaqbalka soo dedejin kara

Hoggaaminta ugu fiicani waa in lagu guulaysto tartanka lagula jiro mustaqbalka. Hoggaamiyaha ugu fiicanina waa ka fahamsan sida ugu fiican ee uu mustaqbalka hore ugu soo riixi lahaa. Hoggaamiyaha ku qanacsan xaaladda uu taagan yahay, ama hoggaamiyaha inta uu horumar iyo koboc ka fikiro ay ka badan tahay inta uu ka walaacsan yahay sii jiirtaanka iyo in waxa uu hoggaaminayaa tisqaado, waxaa sugaya mustaqbal guuldarro.

Hoggaamiyaha ugu fiicani waa ka xoogga isugu geeya in uu hoggaamiye isbeddel iyo horukac si ururka uu hoggaaminaya uu u kobco. Laakiin hoggaamiyeyaasha dib u socodka ah waxaa lagu yaqaannaa in ay iyagu isu qoraan guuldarrada.

  1. Hoggaamiye dadkiisa maalgashada

Hoggaamiyaha guulaysta waxaa u dhaqan ah in uu mar kasta maalgashado dadka uu hoggaaminayo. Waxa uu dhisaa tayada iyo waayoaragnimada gacanyareyaashiisa. Waxaa jira hal-ku-dheg caan ka dhex ah dunida hoggaaminta ganacsiga oo ah, ‘dadku dan kama galaan aqoontada aad u leedahay, waxa se ay qaddariyaan ilala heerka ay daryeel kaa helayaan.

  1. 12. Hoggaamiye masuuliyadda qaata

Hoggaamiyaha dhabta ahi waa ka ogol ama diyaarka u ah in masuuliyaddiisa lagula xisaabtamo. Ma’aha sida hoggaamiyaha fashilmay oo ah kan jecel in qaladaadka jira uu ku canaanto cid kale, haddana marka ay guul timaaddo kelidii wada sheegta.

Waa in uu aqbalaa qaladaadka iyo guuldarrooyinka ku yimaaddo hoggaankiisa, waxaa jira halku dheg kale oo yidhaahda, ‘Hoggaamiyaha diida in uu isagu xilkiisa iskula xisaabtami waayo, dadkiisa ayuun baa ugu dambaynta si aanu raalli ka ahayn ula xisaabtama.

  1. Hoggaamiye Hal-adayg Leh

Hoggaamiyuhu waa in uu leeyahay awood maskaxeed oo uu dhibaatada iyo duruufaha kakan ku waajihi karo, deggen yahay oo aanay caadifadda iyo qiiradu ka awood badan. Cabsi aan lagu aqoon oo go’aada khatarta ah qaadan kara.

  1. Il-dheeri ayaa hoggaaminta toosisa

Hoggaamiyuhu waa in uu leeyahay il-dheeri uu ku saadaalin karo waxa soo socda, kuna qiimayn karo cawaaqibka ka dhalan kara tallaabo kasta oo uu qaadayo. Awood u leeyahay, in duruufo kasta oo adag oo uu ku jiraa aanay ka lumin deggenaanshiyaha iyo in uu go’aanka saxda ah qaato.

  1. Wax kastaba qofnimada hoggaamiyaha ayaa ka horreysa

Garsoor, dhexdhexaadnimo, daacadnimo, sharci dhawris, ballan oofin, iyo in uu dhowro halbeegga isu dheellitirnaanta cadaaladda, iyo in aanay duwi karin dareennada shakhsiga ah iyo danaha gaarka ahi waa calaamad lagu garto hoggaamiyaha guusha soo hoyn kara. Waa run sheeg ereygiisa lagu kalsoonaan karo iyo dugsi la isku hallayn karo.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here