“Waxa Aanu Muuse Xasuusineynaa In Aanu Dalkan Xoog Ku Qabsan Kuna Haysan Karaynin” Cirro

0
722

 

Hargeysa(Geeska)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyay maamul xumo iyo mushkilado uu dalka ka abuuray labadii sanno ee uu talada hayay. Waxa uu taageerayaashiisa ugu baaqay halgan adag in ay u diyaar garoobaan si maamul xumo uu sheegay in ay xukumadda Biixi ku sifawday meesha looga saaro.

Guddoomiye Cirro waxa uu sheegay in aanu sinaba u aqbalayn Komishanka Golaha Wakiilladu ansixiyeen “Waxa aan mar labaad umadda u xaqiijineynaa in xisbiga WADDANI si aan ka noqosho lahayn u qaadacay la shaqeynta iyo kamid ahaanshaaha xubnaha la sheegtay in la ansixiyey, Xisbiguna diyaar uma aha in uu xalaaleeyo ama jideeyo wax aan sharciga dalka waaqafsaneyn ama arrintan ha ahaato ama mid kale ha ahaatee,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro

Waxa uu si gaar ah farriin ugu diray Madaxweyne Biixi “Waxa aanu Muuse xasuusineynaa in aanu dalkan xoog ku qabsan kuna haysan karaynin, haddii uu ku sii wado caragsiga iyo sharci jiidhka, waxa aanu u sheegaynaa in aanaan taag iyo talo midna u waayin toosintiisa oo aanu ku dhaqaaqi doono tallaabo kasta oo qarankan lagu badbaadinayo,”

Guddoomiye Cirro, wuxuu yidhi

Laba sanno ka hor maanta oo kale 13 kii Nov 2017- kii waxaa shacbiga reer Somaliland u dareereen doorashadii 3 aad ee Madaxtooyada JSL. Shacabka Somaliland waxa ay qabeen rejo weyn iyo in helaan hoggaan wacan. Waxaa u muuqday in isbeddel togan uu waddanka ka dhici doono. Waxa ay filaayeen inay dhalato xukuumad ka shaqeysa horumarinta nolosha dadka, xukuumad ka shaqeysa isku heynta iyo shaqo gelinta dhallinyarada, xukuumad ka shaqeysa xoojinta dimuqraadiyadda iyo aqoonsi raadinta dalkeena iyo xukuumad ka shaqeysa mideynta iyo wadajirkooda kuna dhaqda caddaalad iyo sinnaan.

Nasiib darro se, labadaa sanno ee uu Muuse talada dalka hayey, dadkii reer Somaliland waxaa ka muuqda rejo xumaan baahsan iyo dayow aanay garaneyn meel lagu wado, maantana cabashada iyo yuhuun xumada waxaa ka sinmay muwaadiniintii dooratay iyo kuwii aan dooranba. waxa soo baxday oo dhalatay xukuumad ninka hagaya ay ku adagtahay ku dhaqanka sharciga, ay ka go’an tahay burburinta nidaamka iyo shuruucda lagu soo doortay.

Walaalayaal; Baadisoocda hoggaaminta Muuse labadii sanno ee uu xilka hayey, waxa ay noqotay:

  1. Kala qeybinta iyo kala irdheynta shacabka SL halkii uu ka mideyn lahaa,
  2. Ku xadgudubka iyo ku tumashada dastuurka iyo xeerarka dalka, isaga oo waajibkiisa koowaad yahay ilaalintooda laguna dhaariyey, waxaa tusaale cad ah oo aad maanta wada ogtihiin in aanay wax sharci ah ku fadhiyin golayaasha deegaanka iyaga oo muddo xileedkoodii dhammaaday, muddo kordhina aan wali loo samaynin.
  3. Faro-gelinta nidaamka ganacsiga xorta ah ee uu jideeyey dastuurka dalku.
  4. Xakameyn la’aanta sicir bararka xadhkaha goostay ee ragaadiyey nolosha dhammaan shacabka reer SL.
  5. Hoos u dhaca weyn iyo dabaca ku yimid amniga gudaha, taas oo sababtay in ay ka dillaacaan markii ugu horeysay SL jabhado hubeysan dalka gudihiisa.
  6. U adeegsiga awoodda qaranka dano shakhsi ah oo uu dhul boob iyo ganacsi ugu horreeyo.
  7. Caadeysiga ku tumashada xuquuqal insaanka, cabudhinta xorriyadda saxaafadda madaxa bannaan, xadhiga joogtada ah ee madaxda axsaabta iyo muwaadiniinta kala duwan.
  8. Baahsanaanta maamul xumada iyo musuqmaasuqa maamulkiisa ka jira.
  9. In ay luntay kalsoonidii beesha caalamka ee dalkani ka sugayey ictiraafka.
  10. Meyd maxaa u dambeeyey? Iyo kaa la sii sido, waxa aynu shalay u soo taagneyn dhammaanteen in hannaankii dimuqraadiyadda iyo rejadii doorashada hadhcad lagu gowracay horteena iyo sida ay saylad uga dhigteen golihii wakiillada.

Dhacdooyinkaas oo dhammi iyo qaar kale oo badan, waxa ay tilmaan xun u yihiin hogaaminta Muuse Biixi ee saluugga, salfudeydka iyo canaadka aan qiimaha ku fadhiyin isugu soo biyo shubatay isla markaana marag cad u yihiin tala xumada hoggaanka maanta jira, haddii aynu sidaa ku sii soconana waxaa hubaal ah in jiritaankeena qarranimo meel fog laga dayi doono Ilaahay kama dhigee.

Walaalayaal; haddii aan u soo noqdo ceebtii iyo foolxumadii shalay dhacday ee ahayd inqilaabkii golaha iyo afduubkii sharci ee la sheegtay in lagu ansixiyey xubnihii xeerku xaaraantinimeeyey ka mid noqoshada Komishinka Doorashooyinka Qaranka. ‘Waxa aan mar labaad umadda u xaqiijineynaa in xisbiga WADDANI si aan ka noqosho lahayn u qaadacay la shaqeynta iyo kamid ahaanshaaha xubnaha la sheegtay in la ansixiyey, Xisbiguna diyaar uma aha in uu xalaaleeyo ama jideeyo wax aan sharciga dalka waaqafsaneyn ama arrintan ha ahaato ama mid kale ha ahaatee’.

Waxa aan umadda u sheegaynaa;

Mar haddii aanu Muuse xeer iyo xaagaan toona dhowreyn, oo uu distoorku kow ka yahay.

Mar haddii uu fulin waayey heshiiskii uu la galay axsaabta qaranka ee beesha caalamkuna maragga ka ahayd oo aan dabar xidhayaana jirin .

Mar haddii aanu talo iyo tusaale midnaba ka qaadaneyn hay’adihii dastuurku waajibiyey la tashigooda oo ay ka mid yihiin Axsaabta Qaranka.

Mar haddii uu ka baydhay habkii wada-tashi iyo

dimuqraadiyadeed ee qarankani ku dhisnaa,

Mar haddii uu dhaqan iyo yool ka dhigtay kala qeybinta iyo kala irdheynta bulshadii reer Somaliland ee midka ahayd.

Waxa aanu Muuse xasuusineynaa in aanu dalkan xoog ku qabsan kuna haysan karaynin, haddii uu ku sii wado caragsiga iyo sharci jiidhka, waxa aanu u sheegaynaa in aanaan taag iyo talo midna u waayin toosintiisa oo aanu ku dhaqaaqi doono tallaabo kasta oo qarankan lagu badbaadinayo.

Waxa aanu shacabka Somaliland ee sharafta leh u soo jeedinaynaa in ay ilaashadaan midnimadooda, wadajirkooda, iyo amnigooda, islamarkaana diidaan kuna gacan saydhaan kala qeybinta iyo iska horkeenidda shacabka ee nooc kastaba leh.

waxa aan u mahadnaqayaa  taageerayaasha Xisbiga WADDANI guddo iyo dibadba waxaanan farayaa in ay u diyaar garoobaan halgan adag iyo howl culus oo dalka lagaga badbaadinayo Maamul xumada Muuse Biixi.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here