Ma Run Baa In Saanad Ciidan Lagu Qabtay Dekedda Berbera?

0
791

Hargeysa(Geeska)-Maalmihii u dambeeyay waxa baraha bulshada dhex wareegayay warar sheegaya in saanad ciidan lagu qabtay dekedda Berbera, taas oo saarnayd koontiinar.

Haddaba, xoghayaha arrimaha gudaha ee xisbiga UCID Maxamuud Cali Saleban (Ramaax), ayaa sheegay inuu tagay dekedda Berbera oo uu soo xaqiijiyay in saanadan la qabtay, “In horta saanad ciidan lagu arko qof shicib ah oo soo dejinaya weligeed may dhicin, hadday dhacdana xukuumadda ayaa weligeed la wareegi jirtay, way dhacday gobalka Sanaag markii aan joogay oo dad is yidhi ka ganacsada xukuumadda la wareegtay, waad ogaydeen oo kuwii ku xidhxidhnaa wixi lagu eryanayay waxay ahayd saanad ciidan.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Tan laftigeeda ama boosh ha ahaado ama dirays ha ahaado keliya waxa la soo degi karaa waa xukuumadda, waa jileeca iyo dabciga iyo in qof kastaa halkuu joogo u dhaqaaqay, dad ganacsato  ah ayaa faa’iido ka doona waxyaabo badan laakiin maaha waxa laga ganacsanayaa adigoon fasax u haysan, waad ogtihiin oo dekeda kuma raagaan waxa ciidanka saacado ayaa lagu saaraa, hadduu ciidanku leeyahay waa la qaadan lahaa, waad ogaydeen oo halkan intii aan joogay 300 oo baastooladood ayaa lagu qabtay dawladaa la waregtay, sharciguun hala mariyo, waanan soo hubiyay oo waan tagay dekeda oo wuu jiraa koontinarkaasi, mana aha inay dadku ka hadlaan ee waa ciidanku toos ula wareegaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here