“Haddii Dalka Ciddi Dambi Ka Gashay Waxa Ka Galay Madaxweynaha Iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida”

0
594

Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Waddani Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), ayaa Golaha Guurtida u diray digniin ku saabsan muddo kordhin ay u sameeyaan Xukuumaddan, isaga oo tilmaamay in wax la aqbali karo ama la yeeli karo aanay ahayn muddo kordhin ay Guurtidu u sameeyso Xukuumaddan.

Xoghayaha Qorsheynta Xisbiga Waddani Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac), ayaa isaga oo u waramaya Wargeyska Geeska Afrika wuxuu si adag uga jawaabay hadal ka soo yeedhay guddoomiyaha golaha dhexe ee KULMIYE Md. Jaamac Shabeel, kaas oo uu eedaymo ugu jeediyay guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani,  “Waxa Wargeyska Geeska Afrika ku soo baxay jawaab si khaldan uu uga jawaabay Guddoomiyaha Golaha dhexe ee Kulmiye Jaamac Shabeel, qofka masuulka ah  wixii xaqiiqo ah inuu ka garaabo weeye, in wadaniyad la muujiyo, ayaana muhiim ah, balse Masuul wax sax ah sheegay si khaldan looga jawaab waxa aanu u aragnaa inay arin khaldan tahay, waxa xaqiiq ahayd in dad la weeraray oo Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumaddiisu ay weerareen Masuuliyiin Xisbiga Waddani ku soo biirtay, markaas in dadka la dhibo haddana xaqooda la duudsiyo waa arin aan la qaadan karin oo wadaniyada ka fog, Jaamac Shabeel arintan oo kale kamaan filayn, isaga oo sidoo kalena ku talax-tagay Sharciyada Guddoomiyaha Barlamaanka iyo korodhsiimada Xisbiga Kulmiye ay dalka ka rabaan, waxa aanu leenahay in qofku uu akhriyo Dastuurka, haddii aad Xisbiga Kulmiye tihiin haddii aydaan Dastuurka akhriyi karin, garaynina qodoba dastuuriga ah iyo sida uu u kala fasiran yahay waa dhibaato”. Cabdirashiid Riyo-raac ayaa isaga oo ka hadlaya Dastuurka, Madaxweyanaha iyo Guddoomiyaha Guurtida iyo Guddoomiyaha Wakiilada ayaa  waxa uu yidhi “Qodobka 42-aad, farqadiisa 2-aad,waxa ay leedahay Madaxweynaha ayaa ku dhawaaqaya Doorashada Golaha Wakiilada, may jirin, oo taariikhda kuma hayno Maalin uu Madaxweynuhu ku dhawaaqay in la qabto Doorashada Golaha Wakiilada, maaha Cabdiraxmaan Cirro Ninka ku dhawaaqaya ama kordhiya, laakiin xaq ayuu u leeyahay oo farqada 3-aad ee isla qodobkaas ayaa sheegaysa in haddii Doorashada Golaha Wakiiladu qabsoomi weydo, waxa xilka sii haynaya Golihii Barlamaanka ee hore, markaas marka uu Madaxweynuhu ku dhawaaqi kari waayey Doorashada, ee inta uu Guddoomiyaha Golaha Guurtida uu u qoro Warqad kordhin ah waxa Cabdiraxmaan Cirro lagu xag-xagtaa waa khalad, shaqadiisana maaha, laakiin haddii ay cidi dambi ku gashay Madaxweyne Siillaanyo ayaa ku galay, oo isaga ayaa qaban kari waayey Doorashada Wakiilada, haddii ay cid kale dambi ku gashay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan ayaa ku galay, maxa yeelay sababta loogu kordhiyey Umadda muu soo bandhigin, waxa aan leeyahay cida Doorashada qaban kari waayey ee  xilkiisa gudan kari waayey waa Madaxweyanaha, waxayna ahayd in isaga xil ka qaadis lagu sameeyo, oo kordhinta Barlamaanka ayuu xil ka qaadista ugu mutaysan karaa, maxa yeelay waajib dastuuriya ayuu gudan kari waayey, markaas haddii dalkan cidi dambi ka gashay waxa ka galay Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Golaha Guurtida”.

Cabdirashiid Riyo-raac ayaa mar uu ka hadlaayey muddo kordhinta ayaa yidhi “Korodhsiimadu meel ay Dastuurka kaga jirta ma jirto, oo Madaxweynaha waxa loogu kordhin karaa ma jirto, oo aan ahayn marka dhibaatooyin xun iyo aafooyin dhacaan mooye, kuwaasna ILLAAHAY ayaa inaga badbaadiyey, waxa aan idiin sheegay in marka muddada Shanta Sanno idinka dhamaadan in go’aanka Xisbiga Kulmiye yahay in aanu Xukuumadda ictiraafsanayn, kalsooni dambena aanay jirin, waxa aan leeyahay haddii aad doonaysaan inaad badbaadan 26-june, ka hor waa in wada tashi qaran la iskugu yimadaa, oo miiska la wada fadhiisto, waxaana idiin sheegaya inay Somaliland ka kortay in lagu cabsiiyo Nabadgeliyo daro, nabadgeliyo daro dhici mayso ee cidii bilaa sharciya ayaa meesha dhaafaysa, haddii ay cidi Nabadgeliyo daro wado cida Sharciga Qaranka ka hortimaada ayaa wada, waxa aan leeyahay Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda idinka ayaa dalka ka masuul ah ee haddii aad xilkiina gudan weydaan gacmaha ayaa la iskula tagayaa”.

Cabdirashiid Riyo-raac ayaa mar uu la hadlaayey Golaha Guurtida yidhi “Golaha Guurtida waa Gole odayaal, oo dalkani ku soo nabad iyo caano maalay, waa Gole dalkan in badan wax u soo taray, Maanta cid idinka aqbalaysa kordhin ma jirto, waxa aan ugu baaqaya in inta aanay hadlin iskugu yeedhaan Qaranka, meel la iskugu yimaado, oo korodhsiimadii Wakiilada ayaa idinka oo cid la tashan Waraaqdii Madaxweynaha ku fuliseen”. Dhinaca kale Xoghayaha Qorsheynta ee Xisbiga Waddani ayaa isbarbar dhig ku sameeyey Xukuumaddii Daahir Rayaale iyo Xukuumaddan, waxaanu tilmaamay inay waxyaabo aad u badan ay kaga wanaagsanayd Xukuumaddii hore, Xukuumaddan, dhanka kale waxa uu ka hadlay is casiladii Cabdicasiis Samaale,dhaliilo badan ayaanu uu u soo jeediyey, waxaanu sheegay in Cabdicasiis Samaale Madaxweynihii hore ee Somaliland Daahir Rayaale uu barbar dhigay Fircoon, halka Madaxweyne Axmed Siillaanyana uu ku dhaweeyey Nabi Maxamed SCW.