Warancade Oo Ka Hadlay Qaxoonti Yemen Ah Oo Soo Gaadhay Wadanka

0
511

Picture3Hargeysa(Geeska):-Xukuumada Somaliland ayaa ka hadashay qaxooti maal mihii ugu danbaysay soo gaadhay magaalada Barbera oo ka soo bara-kacay xaalada dagaal ee muddooyinkii danbe ka taagnayd dalka Yamen, waxaana ay sheegtay in ay qaabilayso dadkaasi bara-kacaayasha ah sida oo kalena ay hada wadaan qorsheyaal lagu samaynaayo sidii loo abuuri lahaa meelihii la dejin lahaa dadkaasi bara-kacayaasha ah. Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Md.Cali Maxamed Waran-cadde, ayaa sidan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey talefeeshanka Horn Cable, waxaana uu carabka ku dhuftay in hada ay jiraan qaxoonti reer Yamen ah oo soo gaadhay magaalada Barbera. "Annaga ka dawlad ahaan siyaasada Somaliland waxa weeye in la taageero dawlada sharciga ah ee Yamen isla markaana waanu garan karnaa dhibaatada naga qaban karta culayska xaga dhaqaalaha, nabada iyo qaxoontiga intaba, laakiin waxaanu ku tashanay in aanu hawshaas waxii naga'ga aadan aanu qabano, dadkaa reer Yamen ee laga yaabo in ay waxna soo galeen, waxna ay iman karaan in loo diyaar garoobo, waxaana aanu u astaynay imika meelo lagu soo dhaweeyo Barbera meel ayaa aanu imika ka wadnaa, Hargeysa sida oo kale iyada oo dadka waxii yimaada Barbera lagu kala saari doono laakiin loo soo gudbin doono Hargeysa."Ayuu yidhi Md.Cali Maxamed Waran-cadde.

Md.Cali Waran-cadde, waxaa uu sida oo kale sheegay in haddii ay jaamacada Carabtu ay isku raacdo in saldhig milatari laga sameeyo magaalada Barbera, ay dawlada Somaliland soo dhawaynayso.

"Somaliland waxaa ay ka tirsan tahay jaamacada Carabta oo aynu ka mid nahay markaa dee waxii carabi ay isku raacdo innaguna dee qaybteena ayeynu ka nahay.".Ayuu yidhi Md.Waran-cadde.