Jabuuti Oo Diiday Codsi Ah In Ay Qaabbisho Ama Gacan Ka Geysato Badbaadinta Cali Cabdalla Saalix

0
541

Picture5Sanca (Geeska)- Wasiirka arrimaha dibadda ee Yemen Riyaad Yaasiin ayaa waraysi uu siiyey wargeyska Sharqal Aawsat waxa uu ku sheegay in dowladda Jabuuti ay u sheegtay in uu soo gaadhayo codsi aan kala go’ayn oo si isdaba joog ah uga dalbanaya in loo ogolaado in diyaarad yar oo ay leedahay mid ka mid ah shirkadaha shidaalka ee Jabuuti deggeni ay ka kacdo Jabuuti una gudubto dalka Yemen si ay u soo qaaddo madaxweynihii hore ee dalkaas Cali Cabdalla Saalax iyo gacanyarayaashiisii waaweyna, una geyso jiho aan loo sheegin dowladda Jabuuti. Laakiin waxa uu wasiirku sheegay in dawladda Jabuuti ay dalabkaas diidday.

Maalmihii u dambeeyey waxa warbaahinta dunida ku soo badanayey warar aad la isula dhex marayey oo sheegaya in madaxweynihii hore ee dalka Yemen Cali Cabdalla Saalax oo garabsiinayey Xuutiyiintu uu dalka Yemen ka baxsaday, isaga oo si dhuumasho ah ugu gudbay dal ka mid ah qaaradda Afrika. Wararka qaar ayaa si gaar ah u magacaabayey dalka Eriteriya oo ay sheegeen in Cali Cabdalla Saalix uu dhinaca badda ka tegey, maadaama oo uu dalkaasi aad ugu dhow yahay xeebaha dalka Yemen. Si kastaba ha ahaato ee waxaa imika caddaanaysa in wararkaasi ay ahaayeen ku-tidhi, ku-teen iyo malo-awaal xaqiiqaduna ay tahay in uu weli Cali Cabdalla Saalax ku jiro gudaha dalka Yemen iyo in ay jiraan qorshayaashan uu doonayo in dalka Jabuuti uu soo u diro diyaarad yar oo ka soo saarta Yemen, laakiin aanay caddayn dhinaca uu damacsan yahay in uu Jabuuti u dhaafo.

Mukhtaar Ar-Raxabi oo ah afhayeenka rasmiga ah ee xafiiska madaxweynaha jamhuuriyadda Yemen ayaa arbacadii shalay ee 1da April 2015 xaqiijiey in wararka runta u dhow ee ay hayaan ay sheegayaan in Cali Cabdalla Saalax uu hadda ku sugan yahay degmada uu ku dhashay ee Sanxaan oo ku taalla woqooyiga dalka Yemen.

Afhayeenka oo la hadlay wargeyska Al-Xayaat waxa uu sheegay in wararka sheegaya in Saalax uu meelo kale joogaa ay yihiin kuwo aan xaqiiqo u muuqan, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa aanu haynaa macluumaad sheegaya in uu joogo degmada uu ku dhashay ee Sanxaan”

Warkan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya ayaa intaas ku daraya in Saalax uu ku dhashay tuule loogu magac daray jufadooda oo la yidhaahdo Baytul-Axmar kana tirsan degmada Sanxaan, laakiin tuulahaas ayaa aanay suurtogal ahayn in ay qariso Saalax, haddiiba la isku dayo in laga daba tago, maadaama oo dadka tuulaha deggeni ay tiro ahaan ka yar yihiinba Kun qof oo keliya.

War hore oo uu isla afhayeenka madaxweynaha Yemen siiyey wargeyska Sabaq ee ka soo baxa dalka Sucuudigana waxa uu ku xaqiijiyey in wararka ay hayaan xaqiijinayaan in madaxweyne Saalax uu hadda go’aansaday in uu u baxsado mid ka mid ah dalalka Afrika. Afhayeenka oo ka hadlaya halka uu hadda ku sugan yahay Saalax ayaa intaas ku sii daray, “Wararku waa ay u badinayaan in uu ku dhuumaalaysanayo godadka degmada Sanxaan”

Madaxweynihii hore ee dalka Yemen oo kacdoonno shacbi ah kadib xilka ka degey, kuna wareejiyey ku xigeenkiisa hadda madaxweynaha ah Cabdirabbuh Haadi Mansuur si uu dalka u hoggaamiyo laba sano oo lagu gaadho doorashooyin ayaa la aaminsan yahay in uu waqtigaas ku badbaaday sababta dalka Sucuudiga iyo dalalka gacanka Carabta, kadib markii isaga oo qaba dhaawacyo khatar ah oo ka soo gaadhay qarax lala beegsaday inta lagu qaaday diyaarad gaar ah oo Sucuudigu leeyahay lagu soo daweeyey Riyaad, markii uu bogsadayna lagu qanciyey in uu xilka ka dego, abaal marinna looga dhigay in aan dalka Yemen gudihiisa iyo dibaddiisa midna dacwad lagaga soo oogi doonin.

Laakiin muddo gaaban kadib waxa uu Saalax oo ku soo noqday Yemen bilaabay colaad ka dhan ah saaxiibkiisii hore ee Sucuudiga, waxa aanu la xulafo noqday maleeshiyada Xuutiyiinta ee dalka Iiraan taageerto, taas oo keentay sababta uu dalka Sucuudigu ula galay dagaalka.

Maalmo yar kadib markii uu socday weerarka 11ka dal ee uu Sucuudigu hoggaaminayo, gaar ahaan markii sida weyn loo garaacay saldhig ay deggenaayeen ciidamo ka tirsanaa milaterigii Yemen oo taageersan Saalax iyo inankiisa ayaa uu Cali Cabdalla Salaax dareemay khatarta ay arrintani leedahay iyo masiirka xun ee ay ku hagi karto, waxa aanu warbaahinta u sheegay in uu ogol yahay in xaalka nabad iyo wada hadal lagu dhammeeyo, isla markaana waxa uu wacad ku maray in uu diyaar u yahay in isaga iyo wiilkiisa iyo qof kale oo qoyskiisa ah midina aanu isu soo sharrixi doonin doorashada Yemen, laakiin warkiisa ma’ay dhegeysan dalalka weerarka ku haya oo taageero weyn ka helay dunida, lagana filayo in ay dhowaan ciidamo cagta ah u diraan gudaha Yemen.