Washington (Geeska)- Waa qormadii labaad ee taxanihii uu Geeska Afrika ka soo xigtay degelka Internet ka ee 100 People, kana hadlayey qiyaas guud oo qaab boqolley ah u qaybinaysa dadka dunida maanta ku dhaqan oo tiradoodu kor u dhaaftay 7 Bilyan, iyada oo laga eegayo kala duwanaanshiyaha jinsiga, dhaqaala, nolosha iwm.
Haddii dunidu ay boqol qof ahaan lahayd:
– Diimaha:
– 33 ayaa kiristaan ahaan lahaa (Boqolkiiba 33 ayaa ay kiristanku ka yihiin tirada guud ee dadka dunida)
– 22 ayaa Muslimiin ahaan lahaa (22% dadka dunida ayaa Muslimiin ah)
– 14 ayaa haysan lahaa diinta Hindu ga (14% dadka dunida ayaa aaminsan diintan)
– 7 ayaa noqon lahaa Buddhist.
– 12 ayaa ay noqon lahayd isku darka tirada dadka diimaha aan intaas sare ahayn aaminsani.
– 12 ayaan wax diin ah aaminsanaan lahayn, ama ahaan lahaa dad qariya diintooda runta ah oo aan la garanayn.
Luuqada:
– 12 ayaa ku hadli lahaa afka Shiinaha (Dadka ku hadla luuqadda Chinese waxa ay tirada dunida ka yihiin 12%)
– 5 ayaa ku hadli lahaa afka Isbaanishka (Spanish).
– 5 ayaa ku hadli lahaa afka Ingiriisiga
– 3 Ayaa afkooda hooyo uu Carabi noqon lahaa.
– 3 waxa af u noqon lahaa Hindiga.
– 3 waxa ay ku hadli lahaayeen afka Bengaaliga ee Bangladesh.
– 3 boqolkiiba dadka dunidu waxa ay ku hadli lahaayeen afka Portuguese ka.
– 2 Ayaa afka Ruushka ku hadli lahaa.
– 2 Kalana waxa ay ku hadli lahaayeen Afka Japanese ka.
– 62 ayaa ay noqon lahayd isku darka dadka afkoodu aanu ahayn intaas kor ku xusan.
Dadka Qoraal akhriska yaqaan:
– 83 dadka dunida ku nool ayaa ahaan lahaa kuwo akhris/qoraalka yaqaan, (Macnaheedu waa in tirada dadka akhris/qoraalka yaqaan ee dunida ku nooli ay tahay boqolkiiba 83)
– 17 ayaa noqon lahaa dadka dunida inta aan waxna akhriyi karin, waxna qori karin.
Tirada Ragga iyo Dumarka dunida ee Akhris qoraalka yaqaanna:
Ragga:
– 88 Boqolkiib ragga dunida ayaa akhris/qoraalka yaqaanna.
– 12 Boqolkiiba ayaan ragga dunida wax akhriska iyo qoraalka aqoonin.
Dumarka:
– 79 boqolkiiba dumarka dunida ayaa wax akhriyi kara waxna qora.
– 21 Boqolkiiba dumarka dunida ayaan waxba akhriyi karin, waxna qorin. La soco…