Haddii Aad Safar Badan Tahay Raadso Shandadda Tiknoolajiyadda Ku Shaqaysa Oo Ku Caawinaysa

0
829

Washington (Geeska)- Shirkad Maraykan ah oo lagu magacaabo Planet Traveler ayaa hindistay shandad casri ah, oo ay u bixisay Space Case 1, taaso oo ku samaysan tiknoolajiyad casri ah cabbirkeeduna yahay 73 cm x 53 cm.

Space Case 1 si la mid ah qalabka casriga ah ee Talefannada ka mid yihiin waxa ay ku shaqaysaa barnaamij casri ah waxaana ku rakiban qalab dabagal oo la shaqaynaya talefanka gacanta, kaas oo si joogto ah kuugu sheegaya hadba halka ay taallo shandaddu.

Dhinaca miisaanka marka laga eegana shandaddan taayirradeeda waxaa ku rakiban qalab miisaamaya culaysa shandadda oo ku soo qoraya shaashad yar oo loogu talagalay, taas oo loogu talogalay in qofka musaafirka ah ay ka saarto cabsida imika inta badan ka qabsata miisaanka waxa uu sitaa in uu ka bato miisaankii diyaaraddu u ogolayd.

Shandaddan waxaa ku rakiban baytari dab  oo quwaddiisu tahay 12000 Milliampere, waxa ay sidoo kale leedahay saddex god oo ah kuwa loo yaqaanno USB, oo midi gudaha ku yaallo labada kalana dibadda, waxa aanay awooddaa in ay ugu yaraan toddoba jeer dabayso talefannada gacanta iyo aaladaha yaryar ee la mid ah.

Shandaddani waxa ay leedahay codbaahiye ku shaqaynaya farsamada Bluetooth ka, oo qofku si sahal ah uu ugu xidhiidhin karo talefankiisa gacanta si uu halkaas talefannada ugaga jawaabo ama uga dhegeysto waxa uu doono ee talefankiisa ku jira.

Arrinta kale ee xiisaha leh ayaa ah in shandaddani ay leedahay farsamo casriiya oo qofka leh talefankiisa gacanta u soo diraysa dhambaallo caddaynaya hadba masaafada u dhaxaysa isaga iyo shandadda. Waxa kale oo ay leedahay qalab loogu talogalay in uu shandadda ka ilaaliyo tuugada, kaas oo si fiican u shaqaynaya marka shandaddu si uun uga durugto qofka sita isaga oo aan ogeyn, markaas oo ay soo dhawaq dingiineed oo si toos ah talefanka gacanta ugu soo gudbaya. Qofka shandaddan iibsanayaa waxa uu ku qasban yahay in uu qaato laba xabbo oo mataano ah, qiimahooduna waa 609 doolarka Maraykanka ah, laakiin waxa ay leedahay damaanad 10 sano ah oo loo beddelayo haddii cillad aanu qofku u geysani ku timaaddo.