Saacadda Ugu Horreysa Maalin Kasta Ayaa Sees U Noqonaysa Guul Aad Ka Gaadho Hawl-Maalmeedkaaga (2)

0
718

Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii labaad ee qormadii uu Geeska Afrika afsoomaaliga u rogay ee ka hadlaysay muhiimadda ay saacadda ugu horreysa maalintu u leedahay shaqada uu qofku qabanayo maalinta inta hadhay, iyada oo tusaale u soo qaadanaysa dad caan ah oo sheegaya waxa ugu horreeya ee ay maalintooda shaqo ku bilaabaan.

3. Aad baa ay u fiican tahay in aad qiimayso wixii shalay aad qabatay:

“Saddex iyo soddonkii sano ee ugu dambeeyey, subax kasta muraayadda inta aan isku eego, ayaa aan naftayda weydiin jiray, talow ma’ maantaa maalintii nolosha kuugu dambaysay noloshu? Marka aan ogaaday in aanay ahayn maalinti iugu dambaysay, ee haddana isla su’aashii maalmo is-xiga igu soo noq-noqoto, markaas ayaa aan ogaan jiray in aan u baahanay in aan is-beddel uun sameeyo” Steven Jobs oo ahaa aas-aasihii iyo maamulihii shirkadda caanka ah ee Apple.

Marka aynu hadalka Steve Jobs dhuuxno xikmadda ugu fiican ee u jirtaa waa in aynu subax kasta inta aynaan hawlaheenna bilaabin marka hore qiimaynaa waxa aynu shalay soo qabannay, si aynu u ogaanno waxa inoo qabyo ahaa iyo inta aynu hawlaheenna ka gaadhnay.

4. Antony Robinson oo ah qoraa buugaag leh buugaag iyo barnaamijyo badan oo ka warramaya “Horumarinta nafta” ayaa  mar uu ka sheekeeyey hawsha ugu fiican ee ay tahay in uu qofku qabto saacadda ugu horreysa subaxdiisa, waxa uu ku taliyey in qofku uu maalintiisa ku bilaabo 15 illaa 30 daqiiqo oo socod ah. Antony waxa uu sheegay in daqiiqadahani ay qofka siiyaan tamar iyo firfircooni maalintii oo dhan aan dhammaan.

Talooyin kale oo muhiim ah:

– Ku dadaal in aad fiidka hore seexato, salaadda subaxna u kacdo, oo weliba aad masaajidka ku tukato dibna aanad u seexan. Waxa ay kugu kordhinaysaa firfircooni, karti iyo maskax baraarugsan oo awood u leh in ay hawlmaalmeedkeeda si bilaa daal ah u dhammaysata.

– Ku dadaal subax kasta in aad maydhato inta aanad shaqada u bixin.

– Subax kasta maalintaada ku bilow in aad akhrido cinwaannada wargeysyada soo baxay, kii aad muhiim u aragtana hoos ugu sii dhaadhacdo.

– Ku dadaal in aad maalin kasta samayso xusuus-qor aad ku caddaynayso dhacdooyinka muhiimka kuu ah.

– Ku dadaal in aad maalin kasta shaqadaada ku soo gebogebayso waajibaadka maalinta ku xigta ku yaalla, si aanay subaxdaadu ugu bilaaban bilaa qorshe.

– Ku dadaal in aanad xilliyada shaqadaada ku illaawin salaadaha maalintii soo dhex gelaya waqtiga shaqada.