Haddii Aad Keli Taliye Dhiigyo Cab Ah Naftiisa Badbaadiso, Maxaad Abaal Gud Uga Dalban Lahayd?

0
1089

Hargeysa (Geeska)- Xajaaj Binu Yuusuf waxa uu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii soo maray muslimiinta, gaar ahaan markii uu Amiir muslimiinta ahaa Cabdimalik Bin Marwaan oo ah khaliifka Shanaad ee dawladdii Umawiyiinta, taladana hayey intii u dhaxaysay 646kii illaa 705tii taariikhda miilaadiga.

Xajaaj waxa uu khilaafada Islaamka masuul uga ahaa gobolka Shaam oo ahaa halka ay imika dhacaan dalal ay Ciraaq ka mid tahay. Nasiib darro Xajaaj waxa uu ahaa keli taliye, dhiigyo cb ah, oo ciddii erey ku soo celisa si sahal ah qoorta uga goyn jira, waxa aanu taariikhda Islaamka ku leeyahay bogag aad u badan iyo qisas u badan kuwo murugo iyo xanuun badan oo ka waramaya dhibtii uu geystay intii uu talada muslimiinta ee Shaam hayey. Dhibtaas waxaa ka mid ahayd dilka aan sababta lahayn oo uu isaguba qirtay in dadka uu dilay uu ku qiyaasayo illaa 250 kun oo ruuux oo uu xitaa ku jiro Alle ha ka raalli noqdo ee Cabdillaahi Bin Subayr oo ka mid ahaa asxaabtii Nebiga (SCW), aabihiina uu ahaa Subayr oo ahaa asxaabi weyn oo ay Nebi Muxammed (SCW) ilma abti ahaayeen, kana mid ahaa tobankii iyaga oo nool jannada loogu bishaareeyey isla markaana ay nebiga ilma’ abti ahaayeen.

Xajaaj Bin Yuuusuf  waxa kale oo uu leeyahay qisas badan oo waayadii dambe qosol iyo maad noqday; Waxaana ka mid ah qisadan uu maanta wargeyska Geeska Afrika u soo turjumay akhristayaashiisa oo sidan u dhacday;

“Maalin maalmaha ka mid ah ayaa uu Xajaaj Bin Yuusuf ku dabbaashay badda oo aad u kacsan. Biyihii ayaa ka awood batay amiirkii Xajaaj oo inta uu ku haftay mawjadihii ayaa uu tahli waayey in uu dabbaasho, isaga oo xaaladdiisu ay aad u xun tahay oo qaraq ku dhow ayaa waxaa xeelliga ka arkay nin ka mid ahaa dadkii muslimiinta ahaa ee uu u talin jiray Xajaaj Bin Yuusuf. Inkasta oo ninkani uu xog-ogaal u ahaa xadgudubyada iyo dhibta uu Xajaaj dadka ku hayo, haddana ninkani markan ka hor muu arag wejiga Xijaajj Binu Yuusuf. Si muslimnimo ah inta uu ugu naxay ninkan haftay ee qarka u saaran dhimashada, ayuu dabbaal isku tuuray baddii oo uu Xajaaj soo badbaadiyey.

Xajaaj ayaa markii ay naftu ku soo noqotay ninkii ku yidhi, "Abaal ayaad igu leedahay oo naftayda ayaa aad badbaadisay, sidaa awgeed waxa aan rabaa in aan gudo abaalkaas ee iga dalbo waxa aad u baahan tahay si aan kaaga dhigo abaal celintaas" Intaas oo keliya kuma ekaan ee Xajaan ninkii waa uu isu sheegay in uu yahay amiirkii gobolka Xajaan Bin Yuusuf.

Ninkii ayaa aad u naxay, waxa u ka xumaaday in uu badbaadiyo Xajaaj oo uu og yahay in uu yahay keli taliye dhiigyo cab ah, dadkuna mar kasta ku ducaysanayeen in Alle wax ka kaxeeya uga soo diro. Waxa uu garawsaday in cid kasta oo ogaata in uu isagu badbaadiyey Xijaaj ay u cadhoon doonto, una arki doonto qof daalin u gargaaray.

Ninkii isaga oo naxsan aadna uga xun ficilkiisii badbaadinta Xajaaj ayaa Xajaaj oo aan ogeyn waxa niyaddiisa ka guuxaya ee jawaabtii dalabka ka sugaya wawxa uu si murugo leh ugu yidhi, "Waxa aan kaa codsanayaa wax keliya ee ii fuli” Xajaaj ayaa si degdeg ah ugu ballan qaaday in waxaas uu dalbaday uu u fulinayo, xitaa haddii uu ka korodhsado shay keliyana uu diyaar ula yahay. ninkii waxa uu yidhi, “Alle ayaan kugu dhaarshay ee cidna ha u sheegin in aan anigu ku soo badbaadiyey, taas ayaa aniga abaal-gud igu filan"