Duruuf Kasta Oo Aad La Kulanto Ha Ku Quusan, Waxaa Dhici Karta In Xikmad Alle Oo Kaa Farxisaa Ay Ku Jirto

0
1060

Hargeysa (Geeskka)- Qisadan oo ah mid ka waramaysa qiimaha ay leedahay in qofku uu ku samro duruufaha adag, isla markaana iska ilaaliyo quusta, oo uu naftiisa u sheego in uu Alle xikmad uu isaga uun og yahay ka leeyahay, waxa keliya ee la gudboonina uu yahay in uu u samro, kuna ducaysto in xikmaddaasi ay noqoto mid khayr u sidda.

Waxa uu Geeska Afrika ka soo xigtay qisaska Islaamiga ah ee cibrada loogu tala galay, waxa aanu qaybtiisa kaga qaadanayaa wacyigelinta iyo in ruuxa muslimka ah lagu baraarujiyo in dhib kasta oo uu qabo, uu ku sa samro, un arko xikmad Alle. Waxa aanay qisadu u dhacday sidan:

“Doon badweyn ku safraysa ayaa ay duufaanno ku kaceen, markaasay degtay, dadkii saarnaa qaarkood waa ay ku qaraqmeen, kuwo kalana waa ay badbaadeen. Dadka badbaaday waxaa ka mid ahaa nin inta ay mawjaduhu qaadeen ay ku tuureen xeelliga baddan oo ahaa jasiirad aanay cidi aqoonin oo geeri-go’an ah, dad taariikho hore deggenaan jirayna iskaga haajireen.

Ninkii markii uu miyir-doorsoonkii biyaha ka soo miiraabay, ee uu neefsaday, ayaa markii uu arkay cidlada uu yaallo inta uu naxdin la sara kacay waxa uu Alle ka baryey in uu u gargaaro, oo xaalkan foosha xun ee uu ku jiro ka soo furto.

Dhowr maalmood kadib waxaa goobtii ka soo baxay geed midho badan oo inta uu si dhaqso ah u koray durbadiiba midheeyey, sidoo kale waxaa agihiisa ka soo buuxsamay bakaylahaay iyo ugaadh yaryar oo kale oo badna. Ninkii waa uu farxay, oo inta uu gacamo biyo ah oo ka ag dhow ka cabbo, cuntadiisana karsado ayaa uu iska seexan jiray buul yar oo uu dhistay si uu dhaxanta habeenkii iyo kulaylka maalintii ugaga gabbado.

Maalin maalmaha ka mid ah, oo uu ninkani iska gaaf-wareegayey agagaarka buulkiisa, si uu ugu sugo cuntada oo u bislaanaysay, ayaa waxa uu dib ugu soo noqday dabkii dharigu u saarnaa oo inta uu ballaadhay, oo qoryo ku dhowaa uu qabsaday, buulkiisa iyo agaagaarkii oo dhan holcayo.

Ninkii ayaa qayliyey, laakiin waxba waa uu ka qaban kari waayey, dabkii oo gurigii uu ku shuf belay. Ninkii oo ooyaya ayaa Alle baryey, waxa aanu ku cawday in wixii keliya ee uu haystay ay ka gubteen. Ninkii isaga oo gaajaysan ayaa uu murugadii la jiifsaday bannaankii aanu aadamuhu ka ag dhoweyn. Laakiin subaxnimadii markii uu hurdadii ka toosay ayaa uu la kulmay arrin aanu filayn oo ka yaabiyey. Waa doon inta ay bad weynta ka soo baydhay ku soo dhowaanaysa xeeliga jasiiradda ah ee uu joogay, nasiib wanaag doontii ayaa badbaadisay. Ninkii markii uu fuulay doontii ayaa uu dadkii saarnaa waraystay, oo weydiiyey bal sida ay ku ogaadeen halkan in uu nin ku go’doonsan yahay. Waxa ay ugu jawaabeen, “Waxa aanu aragnay qiiqa, kadib waxa aanu garannay in halkaas oo aan aad nooga fogeyn uu qof ku go’doonsan yahay oo uu badbaado doon yahay, qiiqana u shiday in lagu soo arko” Ninkii waxa uu gartay in guriga gubtay uu Alle ka lahaa xikmad kale oo ah in uu faraj u furo oo qiiqa gurigiisa ka kacaa uu noqdo farriin u soo kaxaysa cid badbaadisa.

Xikmadda qisada ku jirta: “Haddii duruufuhu kugu xumaadaan, ha baqan, hana quusan. Keliya Alle ku kasoonoow, oo waxa aad nafta u sheegtaa in wax kasta oo dhacaba uu Alle xikmad ka leeyahay, adigana ay kula gudboon tahay in aad ka barido in xikmadda ku jirtaa ay noqoto mid adiga kuu dan ah oo kaa farxisa”