Haddii Aad Isticmaasho Kombiyuutarka Mac Waxa Aan Kuu Hayaa Barnamaijyo (Application) Faa’ido Badan

0
1077

Washington (Geeska)- Haddii aad isticmaasho kombiyuutarka MAC ee ay soo saarto shirkadda Apple, waxa aan kuu hayaa barnaamijyo ay ku fiican tahay in aad ku soo dejisato oo si yaab leh kaaga caawin doona hawlaha kala duwan ee kombiyuutarka aad ku qabsato.

1. Pocket

Barnaamijka ‘Pocket’ waxa uu ka mid yahay barnaamijyada ugu shacbiyadda badan ee ku jira talefanka gacanta ee casriga ah. Nasiibwanaag barnaamijkani waxa uu leeyahay qayb u gaar ah kombiyuutarka Mac oo qabanaya isla shaqooyinka uu barnaamijkani u qabto talefanka gacanta. Waxa aana ka mid ah, in uu qormooyinka iyo fiidyowyada ku jira internet ka kuu kaydiyo si aad u akhrisato ama u daawato mar kale oo aanad internet haysan.

Sida lagu sheegay warbixintan oo uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Al-Carabiya barnaamijkan waxa kale oo uu suurtogal ka dhigayaa in dhukumantiga ama Fiidyowga aad ku daawanayso Kombiyuutarka u rari karto talefankaaga gacanta iyo qalab kale oo kasta oo la mid ah, si aad u akhrido ama u daawato marka aad kombiyuutarka demiso am ka tagto.

2. Polar Photo Editor Lite

Barnaamijka ‘Polar Photo Editor Lite’ oo sida magaciisaba laga dheehanayo shaqadiisu tahay tifatirka (Wax-ka-beddelka sawirrada) waa barnaamij aad aad u fudud oo aanu culayskiisu ka badnayn 50 MB, laakiin leh faa’ido aad u weyn oo dhianca tifaftirka sawirrada ah, tusaale ahaan waxa uu kuu suurtogelinayaa in aad dib-u-habayso muuqa wejiga ee sawirka, in aad midabka maqaarka qurxiso, in aad adigu maamusha qaab-muuqaalka sawirka iwm.

3. Duplicate File Finder

Waxaa hubaal ah in mar kasta ay dhacayso in kombiyuutarkaaga ay ku kulmana faylal isku mid ahi, tusaale ahaan in aad hal fayl dhowr jeer internet ka soo dejiso, adiga oo illowsan in uu hore ugu sii jiray kombiyuutarka ama arki waayey halka uu ku kaydsan yahay. Barnaamijka Duplicate file finder sida macnaha magaciisa laga dheehan karo waxa uu raadiyaa oo kombiyuutarka ka soo saaraa faylashada isku midka ah eek u kaydsan; sawirr, codad, muusig, qoraall iyo fiidyow midka ay doonaanba ha ahaadaan e’.

Waxa uu kuu suurtogelinayaa in si aad culayska kombiyuutarka uga ilaaliso in aad faylashada isku midka ah hesho, kadibna iska masaxdo wixii hal ka badan.

4. Simple recorder

Waa barnaamij aad u fudud oo qofka isticmaalaya u suurtogelinaya in uu si dhib yar cod aad u tayo badan ugu duubo. Waxa lagu soo dejinayaa kombiyuutarka Mac, kadib calaamaddiisa oo ku soo biiraysa qaybta laga arko barnaamijyada Kombiyuutarka ku jira ayaa laga gelayaa marka loo baahan yahay in codka lagu duubo.

5. Dr. Clearner

Malaayiin ka mid ah dadka dunida ee isticmaala kombiyuutarka ayaa Fayras ka ilaalinta, nadiifinta iyo baadhista hawlgudashada kombiyuutarka iyo ka gudbista dhibaatooyinka dhinaca xusuusta ‘Memory’ ee kombiyuutarkooda ku halleeya barnaamijka Dr. Cleaner.

Barnaamijkani waxa uu qofka u suurtogelinayaa shaqooyin badan oo ah dhinaca ilaalinta mishiinka kombiyuutarka iyo wanaajinta awooddiisa shaqo qabasho, tusaale ahaan in uu si dhaqso ah u soo helo barnaamijyada aad isticmaalayso marka aad dalbato in uu furo iyo in uu si dhaqso ah u soo celin karo xusuustiisa barnamaijyada aad xidhay ama masaxaday.

6. The Unarchiver

Barnaamijka unarchiver  waa barnaamij isticmaalkiisu fudud yahay oo qofka isticmaalaya u fududaynaya in uu dib u furfuro faylka marka hore la isku soo cidhiidhyey nooc kasta oo uu yahay, sida faylashada loo yaqaanno Zip, RAR, Tar iyo kuwa la midka ah.