Qodobbo Caafimaad Oo Muhiim Ah: Ma Run Baa In Wax Kasta Oo Dabiici Ahi Aanu Dhibaato Keenin? Sonkorta Iyo Nafaqadu Saamayn Ma Ku Leeyihiin Kansarka?

0
1175

Qatar (Geeska)- Tifatiraha qaybta caafimaadka ee Aljazeera, Dr. Usaama Abu Rabb ayaa beeniyey xogo caafimaad oo siyaabo kala duwan loogu faafiyo degellada bulshadu ku kulanto ee internet ka, gaar ahaan WhatsApp iyo Facebook.

Dr. Rabb oo ka jawaabaya qaar ka mid ah xogaha caafimaad ee qaldan ee baraha bulshada lagu faafiyo ayaa sheegay in aanay waxba ka jirin xogta sheegay in imalqacad yar oo sonkor ah oo uu qofku cunaa ay laba saacadood gudahood qiyaas boqolkiiba 50 ah hoos u dhigayso awoodda hab-dhiska difaaca qofka. Waxa kale oo baraha bulshada dadka qaar ku faafiyeen xogo sheegayo in sonkortu ay nafaqayso unugyada kansar ee jidhka ku jirta. Dr. Rabb waxa uu sheegay in ay run tahay in unugyada Kansar ee jidhka ku jiraa ay quutaan sonkorta, laakiin arrinta muhiimka ah ee aan sonkortii looga maarmayn ay tahay in ay sida oo kalana nafaqayso unugyada badqaba ee jidhka oo aan ka maarmayn.

– Dabiici: Xogaha caafimaad ee qaldan ee baraha bulshada lagu faafiyo waxaa ka mid ah in wax kasta oo dabiici ahi aanu caafimaadka wax yeelahayn. Waxa uu digtoorku sheegay in buuriga iyo xashiishadduba ay dabiici yihiin oo dhir baxa ay yihiin, haddana la og yahay in ay sun dilaaya yihiin. Sidaa awgeed ay qalad tahay in la aamino in geedba haddii uu yahay u qaato dabiici aan dhibaato lahayn.

– Sonkorta iyo kansarka: Waxaa jira xogo been ah oo sheegaya in qofka kansarka qabaa haddii uu sonkorta iska daayo uu joogsanayo faafitaanka cudurkani jidhkiisa ku samaynayo, laakiin caafimaad ahaan waxba kama jiraan warkaas, waxa aanay la mid tahay uun dadka kale ee iyaguna aaminsan in kansarkuba uu ka yimaaddo Faytamiin la’aan.

Dr. Rabb waxa uu sheegay in run ay tahay in sonkortu ay dhibaatooyin la yaqaanno oo caafimaad leedahay, waxaa ka mid ah Suuska ilkaha iyo nafaqo darro, laakiin taas macnaheed uma’aha in isticmaalkeeda la joojiyo, waayo baahiyo kale oo caafimaad ayaa uu jidhku u qabaa.