Somaliland Oo Ku Jiirta Liiska 13 Wadan Oo Sannadkan La Qorsheeyay Inay Doorasho Ka Qabsoonto Iyo Walaaca Laga Qabo Dib U Dhac

0
540

Picture4Hargeysa(Geeska)-Machadka caalamiga ah ee Africa Research Institute (ARI) oo ah machad falanqeeyaa arrimaha dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Afrika, ayaa soo bandhigay liiska 13 wadan oo Afrikaan ah oo ay Somaliland ku jirto oo sannadkan 2015 la qorsheeyay inay doorashooyin ka dhacayaan. Waxaanay Somaliland dhinaca kale safka hore kaga jirtaa laba wadan oo Afrikaan ah oo la saadaalinayo inaanay doorashooyinku ka qabsoomi doonin. Machadkani wuxuu sheegay in 11 wadan la filayo inay doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanku ka qabsoomaan sannadkan 2015 islamarkaana ay dunidu isha ku hayso hanaanka ay u qabsoomi doonaan. Waxase uu machadku walaac  ka muujiyay in laba wadan la filayo inaanay doorashooyinku ka qabsoomi doonin. Labada wadan ayaa kala ah Somaliland iyo Koonfurta Suudaan. Machadka oo ka hadlaya arrintan Somaliland, wuxuu yidhi   “Doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka ayaa la qoondeeyay inay qabsoomaan bisha June ee 2015, laakiin waxay u dhowdahay inay dib u dhacaan. Waxaanu halkan ku soo gudbin doonaa marka si rasmi ah loo cayimi doorashooyinka Somaliland.” Ayuu yidhi machadka oo sidoo kale raaciyay Koonfurta Suudaan, oo uu sheegay inay ka jiraan dhibaatooyin colaadeed iyo bini-aadmnimo kuwaas oo sababi kara in doorashooyinka la qorsheeyay bisha June ay dib uga dhacaan wakhtigooda, waxaanay balan qaadeen inay soo bandhigi doonaan wakhtiga loo qoondeeyo.

Wadamada kale ee uu machadku cadeeyay iinay doorashooyinka Baarlamaanka, madaxtooyada ay ka dhici doonaan ayaa kala ah

Burundi

Central African Republic

Côte d’Ivoire

Ethiopia

Guinea

Lesotho

Nigeria

Sudan

Tanzania

Togo

Zambia

 Guddiga doorashooyionka qaranka Somaliland oo u xil saaran qabashada doorashooyinka ayaan weli wax war oo rasmi ah ka soo saarin hawlaha doorashada. Hase yeeshe doorashooyinka Somaliland ayaa la qoondeeyay inay qabsoomaan 26 June 2015, laakiin sida ay dadka arrimaha siyaasadda falanqeeyaa aaminsanyihiin waxa adag inay doorashooyinku qabsoomaan bisha June ee 2015 wakhtiga oo cidhiidhi ah darteed.