Suxufi Sumcad Ku Leh Warbaahinta Oo Laga Joojiyay Shaqadii Uu Ka Hayay Telefishanka Qaranka

4
500

Picture7Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa xilkii ka qaaday Wariye Xamse Cali Bulbul oo ahaa Madaxa wararka Telefishanka Qaranka Somaliland. Kana mid ahaa wariyayaasha ugu firfircoon ee ka hawl gala TV-ga qaranka iyo guud ahaanba Somaliland.

Si cad looma oga sababta Wariye Xamse Cali Bulbul xilka looga qaaday, waxaana xilkaas laga qaaday lagu wareejiyay Maxamed Siciid Muxumed oo hore u ahaan Jiray Agaasimaha Idaacadda.

Xamse Cali oo aanu la xidhiidhnay ka dib xilka qaadistiisii isla markaasna aanu wax ka waydiinay xilka qaadistiisa ayaa si kooban noogu sheegay “Maan ogayn wax cabasho ah oo jira iyo wax shaqo xumo ah,markaas waxa jiray war yar oo wasiirku(Cukuse) isoo waydiiyay oo shirkada Pontus Marine ay lahayd oo aan la sii dayn, warkaas oo uu joojiyay maareeye ku xigeenka TV-ga qaranku.”

Xamse oo hadlkiisa sii wataa waxa uu yidhi “Aniga maareeyaha Tv-ga Qaranka Khadar Cali Gaas ayaa hawshan ii magacaabay muddo shan bilood ahna waan ka shaqaynaayay.”

Weriye Xamse Cali Bulbul, ayaa ka mid ah saxafiyiinta hawlkarka ah ee ka hawlgala Somaliland, waxaanu ka mid yahay saxafiyiinta ay bulshadu wararkooda xiisayso.

Comments are closed.