Hablo Aabayaashood Ku Dacweeyey Guur U Diidis Iyo Sababaha Ugu Badan Ee Aabuhu Guurka Ugu Diido

0
713

Riyaad (Geeska)- Waxa boqolkiiba 26 kor u kacay dacwadaha soo gaadhaya maxkamadaha arrimaha qoyska ee dalka Sucuudiga ee ay habluhu kaga cabanayaan aabayaashood in ay ka hor istaageen guurka rag ay soo xusheen. Toddobadii bilood ee u dambeeye yayaa la sheegay in maxkamadahan ay soo gaadheen 307 gal-dacwadeed oo ah guur u diidis ay soo gudbiyeen hablo u dhashay dalkaas oo ku cabanaya in waalidkood ka diiday guurka rag kufkooda ah. Warbixin tiro-koob ah oo uu wargeyska Al-Xayaat oo Geeska Afrika warkan ka soo xigtay ka helay wasaaradda cadaaladda ee dalkaas ayaa lagu sheegay in dacwadan kor u kacay ay ku soo beegmeen xilli dhowaan ay wasaaraddu soo saartay tiro-koobyo muujinaya in hablaha oo loo diido guurka ragga ay doonayaan ay ka mid tahay sababaha ugu badan ee sida xad dhaafka ah kor ugu kiciyey tirada dumarka guumooba ee dalka Sucuudiga, kuwaas oo uu tiro koobku sheegay in hadda ay dalkaas ku nool yihiin qiyaas ah Hal Milyan iyo badh hablood oo soo dhaafay xilligii guurka ku habboonaa, iyada oo weliba tirada oo si xawli ah u sii kordhayso awgeed la filayo in shanta sano ee soo socda ay gaadho Afar Milyan oo dumar ah.

Sababaha ugu badan ee waalidiinta Sucuudigu hablahooda guurka ugu diidaan ayaa warbixintani ay ku soo ururisay in ay yihiin, aabaha oo hunguri lacageed qaba, sidaa awgeed doonaya in uu inanta u guuriyo nin lacag badan haysta, waxa ka mid ah aabaha oo iska doonaya in inantu aanay weligii ka tegin ee ay isaga iyo hooyadeed u adeegto, waxa kale oo ka mid ah aabaha oo inanta la doonaya wiil uu adeer u yahay, qaraabada dhow ah ama saaxiibkii dhalay iyo sababo dhinaca nasabka iyo qabiilka ah.