Gaadhi Ku Daba Dhuuntay Kolonyo Wadday Hablaha Barak Obama Oo Khalkhal Geliyey Amniga Guriga Cad

0
608

Picture10Washington (Geeska)- Warar laga helay Waaxda amniga ee dalka Maraykanka ayaa shaaca ka qaaday in Salaasadii toddobaadkii hore darawal sida markii dambe la ogaaday asqoobay uu gaadhigiisa dabageliyey kolonyo baabuurta Guriga Cad ahayd oo sidday labada hablood ee uu dhalay madaxweynaha Maraykanka Barak Obama. Masuul ka tirsan waaxda amniga ayaa xaqiijiyey in baadhitaan rasmiya lagu wado darawalkano, laakiin illaa hadda inta la ogaaday ay tahay in uu darawalkani uu asqoobay, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, “Waxa ay u eeg tahay in darawalkani uu dayeysnaa, aadna aanu u kala aqoonin magaalada Washington, sidaa awgeed inta uu jidkii uu doonayey ka lumay uu iska soo daba qabsaday gaadhigii ka horreeyey uun”

Warkan oo uu wargeyskan Geeska Afrika ka soo xigtay wargeyska Daily Mail ee ka soo baxa dalka Ingiriisku waxa uu sheegay in arrintani ay sababtay in si dhaqso ah albaabada loogu xidho Guriga Cad, darawalkan 55 jirka ah oo magaciisa lagu sheegay Mathew Evan Goldstein ayaa ay ciidamada ammaanka Guriga Cadi xabsiga u taxaabeen, waxaana lagu soo oogey Mathew oo watay baabuur noociisu yahay Honda midabkeedu sibidhi yahay uu galay dembi ah in uu sifo sharci darro ah ku galay Guriga Cad isaga oo ku daba dhuumanayey kolonyo baabuur ah oo ay la socdeen labada hablood ee madaxweyne Obama, Sasha iyo Malia.