Madaxweyne Siilaanyo Oo Guddiga UN Monitoring Group Ugu Baaqay Inaanay Faraha La Soo Gelin Arrimaha Somaliland

0
584

Wuxuu sheegay inay Somaliland ilaashan doonto raasamaalkeeda dhaqaale

Picture9Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa kooxda UN Monitoring Group ee qaabilsan Ereteriya iyo Somaliya ugu baaqay inaanay soo dhex gelin arrimaha Somaliland, ka dib warqad ay dhawaan ka qoreen Somaliland.

Mr. Jarat Chopra , oo ah madaxa kooxdan ayaa warqad uu dhawaan u diray golaha ammaanka Qaramada Midoobay wuxuu kaga digay ciidamo gaar ah oo ay dawladda Somaliland u samaynayso shidaal  baadhista, waxaanu ka digay inay ciidamadaasi sii adkayn karaan xiisadaha ka jira gobalka Geeska Afrika iyo gudaha Somalilandba. Hase yeeshe Madaxweyne Siilaanyo oo shalay barta uu ku leeyahay twitterka la geliyay qoraal kooban ayaa wuxuu yidhi, “Waxaanu ugu baaqaynaa UN Monitoring Group ee Somaliya iyo Ereteriya inay joojiyaan soo dhex gelidda arrimaha Somaliland. Somaliland way ilaashan doontaa raasamaalkeeda dhaqaale.”

Wasiirka gaashaandhiga Somaliland Axmed Cali Cadami, ayaa isna hore u deedefeeyay warbixinta kooxdan, waxaanu ku tilmaamay guddi fashilantay.

Laakiin guddigan ayaa ah guddi awood badan oo dhawr jeer soo bandhigay fadeexado musuqmaasuq oo ay dawladda Somaliya ee Xasan Sheekh dhex dabaalatay. Sannadkan 2014 dhawr goor ayaa waxa Hargeysa yimid xubno ka socda guddigan, waxaanay guddigani u muuqdaan inay warbixintooda sannadkan ay soo saarayaan ay Somaliland qayb badan ku yeelato.