Habka Ugu Fudud Ee Uu Ninku Maalmo Gudahood Ku Xallin Karo Is-Fahmi Waaga U Dhexeeya Xaaskiisa (1)

0
865

Picture9Hargeysa (Geeska)- Sababaha ugu badan ee muranka iyo mushkiladaha ka dhex abuura lammaanuhu waa kala duwanaanta aragtida ay kala qabaan, sidoo kale waxa uu ka dhashaa xidhiidhkooda oo liita iyo iyada oo mid kastaa rayigiisa ku adkaysto oo isu-tanaasulku meesha ka baxo. Wargeyska Geeska Afrika waxa uu akhristayaashiisa qormadan kula wadaagayaa tallaabooyin ay xeeldheerayaasha cilmiga bulshadu sheegeen in haddii ay maraan lammaanaha is qabaa u sahlaya in ay ka gudbaan is-fahmi waaga iyo muranka,  una dhowdahay in ay dib u soo nooleeyaan xidhiidh wanaagoodii. Waxaa muhiim ah in ninka doonaya in uu habkan xal ku raadiyo laga rabo in tallaabooyinku sida ay u kala horreeyaan uu u galo oo weliba tallaabo kasta oo ugu yarana maalin ku qaato, oo marka ay meel isla dhigaan xaaskiisa uu ka soo gudbo.

1. Xaaskaaga is barta:

Waxaa laga yaabaa in rag badan oo aaminsan in ay xaaskooda ay si fiican isu garanayaan ay la yaabaan sida aan ugu dhiirraday in aan ereygan ku bilaabo qormada. Laakiin ninka fikirkan qabaa waxa uu ma’ogan yahay in gabadhu mar kasta wax badan qarsato, sababo badan awgood. Waxaa ka mid ah iyada oo ka baqanaysa in ninka oo ay aragto in culays ama xanuun ama dhib kale saaran tahay ay culaysa ku sii kordhiso. Macnaheedu waa in ay wax badan isaga uga tudhayso, ama lammaanaha oo aanu marka hore ka dhex abuurmin mawduucyo ay wadaagi karaan oo fure u noqda in ay ka wada xaajoon karaan kuwa aanay wadaagin. Ama waxaaba dhacda gabadha oo ninka ka qaadata faham ah in aanu dan badan ka lahayn sheekada ama aanay xiise gelinayn, sidaa awgeed wax badan ay uurkeeda ku haysato.

Nin kasta waxaa la gudboon in uu barto waxa ay xaaskiisu jeceshay, sida ay carruurnimadeedii ahaan jirtay iyo duruufaha ay ku soo barbaartay sida ay ahaayeen. Cidda ay yihiin saaxiibbadaheeda aanay illaawi karin. Sida ay nolosheedu ahayd guurka ka hor wanaag iyo xumaanba. Shoogga iyo niyad jabka ugu weyn ee ay abidkeeda la soo kulantay ka uu ahaa iyo sida ay uga soo gudubtay. Iwm.

2. Xaaskaaga waa in aad uga sheekayso naftaada:

Dibadda u soo saar xogta uurka kugu jirta ee shakhsiyaddaada fahamsiin karta xaaskaaga, u sheeg waxa niyaddaada ku jiro, waxa aad jeceshay iyo waxa aad neceb tahay, waxa aad jeceshay in aad ku maarrarowdo xilliga firaaqada. Uga sheekee hammigaaga iyo ba’aaga, murugadaada iyo dhibta ugu daran ee dadka kaa soo gaadhay waxa ay ahayd. Sidoo kale u sheeg afkaartaada la xidhiidha mustaqbalka.

3. Raadi meelo aad wadaagi kartaan:

Inta badan dumarku waxa ay ka cawdaan ninka oo aan waqti fiican la qaadan, sababta ugu badanina waa mawduucyada ay xiisaynayaan oo kala duwanaada. Haddaba ninku waa in uu baadho meelaha ay isaga iyo xaaskiisu ay wadaagi karaan, mabaadii’da, fikirka, riyada iyo himilada uu leeyahay, filimada uu xiiseeyo, cuntooyinka, dookha iwm.

Ku dadaal in xaaskaaga aad kala sheekaysato waxa aad mustaqbalka ku fikiraysaan labadiinuba, iyo wax yaabaha ismiidaaminta u baahan ee labadiinuba aad jeceshihiin in aad ku dhiirrataan, iyo weliba sida suurtogalka ah ee aad waxyaabo cusub wada jir u wada jirrabi kartaan. Isfahamka lammaanaha waxaa muhiim u ah in mid kastaa uu fahmo mawduucyada iyo wax kasta oo kan kale xiiseeyo si sheekadoodu ay  u noqoto mid aanay kala xiise goyn. La soco…