Madaxweyne Siilaanyo Iyo Muuse Biixi Oo Isla Qaatay In Shirka Golaha Dhexe Ee KULMIYE La Qabto

0
745

Picture8Hargeysa(Geeska)-Shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa maanta si rasmi ah loo iclaaminayaa wakhtiga la qabanayo.

Ilo xogogaala ayaa Geeska Afrika u sheegay in Madaxweyne Siilaanyo aqbalay soo jeedin uu ula tagay guddoomiyaha KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku codsaday in la qabto shirka golaha dhexe ee KULMIYE, ka hor intaanu sanadkan 2015 dhammaanin. Madaxweyne Siilaanyo ayaa la sheegay inuu Muuse Biixi la qaatay in shirka golaha dhexe ee KULMIYE la  qabto, waxaanu warku sheegay in Muuse Biixi Cabdi soo jeediyay in shirka la qabto bisha November.

Ilahan xogogaalka ahi waxay sheegeen in guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan hoggaanka xisbigu uu maanta xarunta madaxtooyada kaga dhawaaqi doono in shirka golaha dhexe la qaban doono 10-ka bisha November ee sanadkan 2015.

Dadka siyaasadda lafo-gura ayaa tilmaamaya in Muuse Biixi Cabdi, ka guulaystay dhinacyo kale oo doonayay in shirka golaha dhexe dib loo dhigo ilaa horaanta sannadka dambe ee 2016, isagoo guddoomiye Muuse guclo iyo orod ugu jiray in shirka golaha dhexe sannadkan la qabto.

Shirkan ayaa waxa si rasmi ah loogu dooran doonaa Murashaxa madaxweyne iyo madaxweyne xigeen ee xisbiga KULMIYE ug qayb geli doona doorashada 2017 la filayo inay dhacdo.