Habka Ugu Fiican Ee Caawinaya In Ilmahaagu Uu Fahmo In Aanu Weligii Ku Tiirsnaan Doonin Kharashka Waalidka (2)

0
132

Nasiibwanaag inta badan ma dhacdo in waalidku uu noloshiisa oo dhan biiliyo ilmaha, laakiin haddii aad waalid tahay si aad uga taxaddarto in ay tan oo kale dhcdo, fiirogaar ah ku eeg istaraatijiyaddan oo la filayo in ay kaa caawin doonto sidii aad ilmahaaga ugu diyaarin lahayd in gaadho madaxbannaani iyo isku filnaanshiyo dhaqaale.

La xisaabtan ilmahaaga ka weyn 18 sano jir

Xeeldheereyaashu waxa ay waalidka kula talinayaan in uu qorshahan u raaco la xisaabtanka ilmihiisa ka weyn 18 sano jir ee guiriga kula nool, si uu u fahmo in aanay jirin nolol lacag la’aan ugu sii suurtagelaysa sida ay carruurnimadii u soo ahayd.

  1. Joogitaankiisa guriga: Da’dan laga bilaabo waa in ilmuhu uu fahmo in noloshiisu aanay sidii hore lacag la’aan ahayn, u sheeg in looga baahan yahay in uu bixiyo qaybtiisa kharashaadka, laakiin deyn ahaan loo xisaabinayo inta uu shaqo helayo ama dhamamysanayo jaamacadda haddii uu weli wado. Haddii kale u sheeg in uu si kale u bixiyo lacagtaas, tusaale ahaan in uu ka qaybqaato nadaafadda guriga, ka soo adeegista suuqa, shaqooyinka waalidka midkii qabto oo uu ka caawiyo. Arrintani kama caawinayso oo keliya in uu ku dadaalo shaqo raadiska iyo haddii uu helo in uu shaqadiisa ilaashado. Balse waxa kale oo ay ka caawinaysaa in uu masuuliyadda barto iyo in uu fahmo muhiimadda ay leedahay isku filnaanshiyo uu gaadhaa.
  2. Haddii aad ilmahaagak u ogtahay in karti iyo shaqo oo duruuaha dhaqaale uun ay gacmaha u laabeen, ha kala bakhaylin abaalmarin hal mar ah in aad mashruuc ugu samayso, tusaale ahaan in xafiis adeeg oo uu ku fikirayo u qalabaysm, ama aad u iibiso gaadhi uu u adeegsado baahiyaha shaqo usub oo uu bilaabay, haddii kale aad bilaha hore ka bixiso kirada goobta uu mashruuc ku bilaabayo. Sida oo kale hadduu ilmahaagu kula yimaaddo mashruuc la eeg oo haddii uu maangal kula noqdo ha ka diidin in aad maalgeliso haddii aad dhaqaale u helayso. Laakiin waxaas oo dhan waxaa shardi u ah in aanay noqon wax abadiya oo ilmuhu mar kasta isku kaa halleeyo.
  3. Su’aasha aasaasiga ah ee ay tahay in aad is weydiiso marka aad qaadanayso go’aan ah in aad caawimo bixiso ama mid aad bixin jirtay aad sii waddo. Inta aanad bixin jawaab cilmiya oo dhammaystiran u hel su’aasha ah ‘Maaliyad aad ilmahaaga siiso imika, ma ka caawinaysaa in ay xasisho mihnadda uu doonayo in uu samaysto. Haddii auy sidaas tahay, lacag keliya ha siin ee ku dadaal in aad mashruuciisa ka caawiso, sida in aad tababar u raadiso oo xirfaddiisa shaqo kobciso.
  4. Haddii ay dacdo caalad uu ilmahaagu sababo degdeg ah awgood lacag ugu baahan yahay, tusaale ahaan qalniin degdeg ah, ama kharashaadka cisbitaal lagu daweynayey isaga oo aan dhaqaale haystan, haddii kale isaga oo aan miisaaniayd fiican haysan laga eryey shaqada, markaas oo kael waa waajib in aabuhu haddii uu heli karo uu ilmihiisa ka caawiyo kharashaadka nolosha..
  5. Sida lagu sheegay warbixin uu dhowana daabacay wargeyska New York Times, xeeldheereyaashadhinaca sharcigu waxa ay waalidka kula talinayaan waalidku uu ilmihiisa baro hadyad bixinta iyo qiimaha ay leedahay in qof kale hadyad la siiyo, sidaas awgeed dhaqaalaha iyo maaliyadda badan oo aad dhaxal ahaan ilmahaaga uga tagto, waxaa ka fiican in baahidiisa hadda joogta buuxiso, gaar ahaan xaaladaha uu ilmuhu baahida weyn u qabo lacag xaddi kasta oo ay tahay.

Goormay tahay in aanad ilmahaaga lacag siinin

  1. Welibaa ha isku kallifin in aad ilmahaaga ka bixiso kharash aanad dhaqaale ahana awoodayn, xitaa haddii ay tahay in aad u iibiso shay uu aad u xiisaynayo ama in badan kaala hadlay in aad u iibiso. Tusaale ahaan adiga oo aan dakhligaaga ka goyn Karin ha isku kallifin in aad u iibiso taleefanka gacanta noocyadiisa qaaliga ah. Ilmahaaga wax u iibi laakiin mar kasta waxa aad u iibinayso iyo awooddaadu ha wada socdaan.
  2. Cilmibaadhiso lagu sameeyey kharashaadka qofka kaga baxa caafimaadka ayaa lagu ogaaday in aadamuhu boqolkiiba 90 dakhliga soo gala toban sano ee u dambeeya cimrigiisa in uu ku bixiso caafimaadkiisa iyo kharashaadka kale ee daryeelkiisa la xidhiidha.
  3. Iska jir in uu ilmahaagu kuu arko khasnad uu leeyahay oo kharash uu ka heli karo mar kasta oo uu u baahan yahay. Haddii aad ilmahaaga ku aragto in aanu faham u lahayn xaalkaaga maaliyadeed oo aanu isku dayeyn in uu ogaado ilaha dakhligu kaa soo galo, waxaa fiican in aad ka joojiso lacagta aad siinayso ama waxyaabaha laad u iibinayso ee aan nolosha daruuriga u ahayn.

Ceeb ma’aha in ilmahaaga aad markan oo kale amaahiso lacagta uu kaa rabo, adiga oo u sheegaya in uu iska soo celinayo marka ugu horreysa ee dakhli u soo baxo. Weliba ma’ xuma in aad ilmahaaga markan oo kale ka qorto heshiis deyn ah oo aad labadiinu ku jirtaan si uu u arko culayska ay arrintani kugu leedahay.

  1. Carruurtaada u cadaalad samee waa waajib, waxa aanay xaaladdu sii darantahay marka mid ka mid ah aad siiso lacag ama ka bixiso kharashaad adiga oo aan kuwa kalana siinayn. Tus carruurtaadu in ay kuu siman yihiin kharashka aad bixinaysaana uu isugu jiro mid hadyad ah iyo mid deyn ah oo laga rabo qofka u baahani in uu heshiis deyn qaadasho saxeexo.