Maxamuud Xaashi Cabdi Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ku Eedeeyay Hoggaan Xumo Iyo Musuqmaasuq

0
154

Hargeysa (Geeska) – Siyaasiga Maxamuud Xaashi Cabdi oo Shalay Warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa mar kale si adag u cambaareeyay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu ku eedeeyay Hoggaan xumo iyo Musuqmaasuq.
Maxamuud Xaashi waxa kale oo uu ka hadlay Shirweynihii 4-aad ee Xisbul-xaakimka Kulmiye, waxaanu Madaxweynaha oo loo Shirkaa loogu doortay Guddoomiyaha Xisbigaasi ku eedeeyay inuu Maroorsaday Taladii Xisbiga, kuna tashaday inaanu Talana Qaadan, Cidna u tudhin.
Siyaasi Maxamuud Xaashi Cabdi oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Shirweynihii 4-aad ee Xisbiga Kulmiye wuxuu u dhacay sidii aan Saadaalinayey, ma ihi Qof Xaasid ah oo ka xumaada Libta Hal-doorka kale, haddii aan bogaadin lahaa waxa shaasheeyay iscaleemo-saarkii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ahaa mid Sharci-darro ah, sidaasi darteed ma taageerayo Sharci-darro Laf-jab ah oo ii muuqata. Arrinkani waa dhacdo ugub ku ah Xisbiga KULMIYE, haddii Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu doorashada Guddoomiyaha Xisbiga loogu doortay u arko guul Xisbiga Kulmiye u soo hoyatay, laakiin anigu waxaan aaminsanahay inay tahay guul-darro, waxaan aaminsanahay inay tahay cudur iyo Cawaaqib-xumo Xisbiga Kulmiye la kawsaday Maanta, Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi xaq uma laha inuu Mar kale isku soo sharraxo Jagada Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, waxaase uu xaq u leeyahay inuu isku soo sharraxo mar labaad jagada Madaxweyne-nimada. Jagada Guddoomiyaha Xisbiga ee Madaxweynuhu jujuubka ku qaatay waxay ka dhigan tahay murtidii Soomaalida ee odhan jirtay ‘Hal Booli ahi nirig Xalaal ah ma dhasho’. Soomaalidu waxa kale oo ay ku Maahmaahdaa Lugtii Jeeniga dhaaftaa way jabtaa.”
Maxamuud Xaashi waxa kale oo uu sheegay “Madaxweynaha waxaan leeyahay Hummaagga Maskaxdaada iyo Hugunka hareerahaaga ka baxaya ha moodin dhab ee waa dhalanteed. Guul-wadaynta, garab yaaca iyo Gacan qaadka Salaanta badani Halbeed uma aha inaad tahay Hoggaamiye guulaystay, sidaasi darteed Hal ku dhigyada iyo heesaha lagu qaadayo yaanay ku marin habaabin oo aanay ku hodin. Waa nasiib-darro weyn haddii Madaxweyne Muuse oo ah Marjicii iyo Mus-dambeedkii noqon lahaa Xisbiga Kulmiye ee khilaafaadkiisa oo dhan xalliya hadduu Maanta noqday halka Khilaafku ka bilaabmo kuna dhamaado. Halkani waa hilinka ay ku qatalmaan Keligood Taliyeyaasha iyo Hoggaamiyeyaasha aan Garaadka korran lahayn ee uu saaqo Jibbada iyo Jaho-wareerka Kursigu.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Saaxiibkay Madaxweyne Muuse waxaan leeyahay waan arkaa inaad tashatay, waanan arkaa inaad tunka taagayso, waxaadse tashatay Talo xun, waxaad tashatay in aanad Cidna u tudhin, waxna ka tagin, waxaad tashatay in aanad Cidna talo waydiin, Cidna u tanaasulin, waxaad ku tashatay inaad Keligii Taliye noqoto, Ninka Joogana aan tirin, ka tagayna aan tebin, Taladaada xumi markay kuu urto Cidna ha eersan ee adkayso.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey oo uu ka warramay dhacdooyin ka dhex dhacay Xisbiga Kulmiye inta aanu Muuse Biixi noqonin Madaxweynaha “Madaxweyne Muuse wuxuu halkaa ku soo gaadhay hoggaamiyenimadii iyo Halyeynimadii Axmed-siilaanyo, tiraba laba jeer baan xasuustaa in Miiska la soo dhigay in Madaxweyne Muuse Xisbiga laga saaro, laakiin Axmed-Siilaanyo oo ahaa nin ballaadhan oo Dadka isku wada ayaa ku hagoogtay. Markaa Haddii Madaxweyne Muuse dulqaadkii lagu soo doojay doqonniimo u yaqaano, Macalinkaygii isaga iyo Aniga waxaan ka bartay in Samirku yahay Sahayga Siyaasiga Suuban.”
Maxamuud wuxuu ka dardaar-weriyey hoggaanka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi “Madaxweyne Muuse wuxuu Reer Kulmiye Gar ugu lahaa inay kursiga saaraan, hase-yeeshee Gar uguma laha inay Kursiga ku hayaan oo ay hoggaamintana ku guuleeyaan, reer Kulmiye xilkoodii way guteen, laakiin Cidda Maanta laga wer-wersan yahay xil gudashadiisu waa Madaxweynaha, waxa laga wer-wer qabaa in Qaranka uu gadh-wadeenka ka yahay uu gaadhsiin karo Bad-qab, inuu siyaasaddiisa ka bedbaadin karo Goblan iyo Geeri siyaasadeed.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Madaxweyne waxaad tahay Cadceed Casar joogto, Cimri iyo Caqli kuu dhiman ma jiro, Mansab kuu hadhay oo aad hiigsanaysaana ma jiro, Waayo? Madaxweynihii Qaranka ayaad tahay, waxaan leeyahay Muusoow halkani waa halkaad janada ka geli lahayd haddaad noqoto Imaam Caadil ah oo Ummaddiisa si Daacadnimo ah ugu adeegaya, sidoo kalena waad Cadaab mudan kartaa haddaad ammaanada dayacdo iyo Masuuliyadda aad hayso.”
Siyaasigu wuxuu sheegay oo kale “Muusoow inaad gaadhi iyo inaad dib u guulaysan ma ogid ee arrintu yaanay kaa noqon muddo xileedka koowaad iska Cadda-caddayso oo Ciddaad doonto iska celi, ka dambe ayaad caadi noqon doontaaye. Waa Nasiib-darro weyn adigoo da’ ah oo jooga Aakhirul-cimri in lagugu tuhmo inaad ku foogan tahay Adduun urursi iyo dhul boob, Muusoow Saaxiib Cimri tagay ceeb laguma sagootiyo, haddii dareenkaa dadka iskaga baxay uu run yahay Ilaahay ka cabso oo towbad keen oo tubta toosan qaad, haddii warkaasi yahay War been ahna si weyn baa laguu tuhmay ee si weyn isku tuhun saar oo Madal isku eed-reeb oo isku caddee.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey “Madaxweyne haka fikirin inaad Qoyskaaga Qani ka dhigto ee ka fikir inaad Qarankaaga Qani ka dhigto, waxa lagaa doonayaa inaad ku dayato ama Dabaqdo hoggaamiyeyaashii Dadkooda kala dabbaashay Saboolnimada iyo Safka dunida Saddexaad.”
Maxamuud wuxuu iswaydiiyey inay hirgaleen Qorsheyaashii horumarineed ee Xisbiga Kulmiye dhigtay “Hal ku-dhegyadii Xisbiga KULMIYE ee kala ahaa ‘Horaa loo soconayaa iyo Berri Maanta ka fiican’ ma noqotay mid hirgashay ? way sahlan tahay inaad meelo ku dhigto Hal ku-dhegyo loo dheg taago, laakiin ma sahlana inaad dhaqan-geliso.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku sii daray “Saddexdii Sanadood ee u dambeeyay Muddo xileedka labaad ee Xisbiga KULMIYE, ahna Muddo xileedka koowaad ee Madaxweyne Muuse Biixi Miisaaniyadda Qaranku xoog bay u korodhay, waxa sabab u ahaa Cashuurro la kordhiyey, sida Sharaabbada, Gaadiidka, qalabka dhismaha, waxa la kordhiyey Lacagta Dadka soo degaya wax loogu cashuuro oo 5 kun ahayd ayaa mar keliya la kordhiyey 2 kun, taasi oo ka dhigan in la kordhiyey 40%, Xukuumaddii Axmed-Siilaanyo mar baa 1500 Shilin Sarrifka la kordhiyey.
Haddii Dakhligii kordhay boqolkiiba 24% waxa iswaydiin leh maxaa la qabtay oo la taaban karaa, Mushaharkii shaqaalaha waxba lama kordhin, waxaana soo korodhay Baahidii iyo Busaaraddii. Waxa hubaal ah in Ganacsiyadii yaryaraa in badani ay kaceen, waxaana beenoobay ballan-qaadkii Xisbiga Kulmiye inaynu muddo kooban si mugle heerka Saboolnimada hoos ugu dhigno Mustaqbalka dhow..”

 

Geeska.net/Hargeisa Office