Haddii Aanad Toddobaad Kasta 5 Saac Ku Qaadan Waxbarasho, Noloshaada Wax Badan Ayaa Ka Dhiman

0
526

Franklin aadadan waxa uu inta badan samayn jiray subaxdii, oo inta uu goor hore kaco uu saacad ku qaadan jiray wax akhris iyo wax qoris.

Iskama uu socon uun ee waxa uu naftiisa u dhigay yoolal ay beegsato, waxa aanu raacay natiijada ka dhalata. Maanta dunda waxaa caan ka ah waxa loo yaqaanno naadiyada buugta, laakiin isagu 230 sano ka hor in uu abuuray naadi ay isugu yimaaddaan baayacmushtarka iyo hal-abuurku oo kaddibna ay sameeyaan aqoon iyo waayoaragnimo is dhaafsi iyo falanqayn la xidhiidha horumarinta nafahooda.

Xeerkani ma’aha in hal saac wax la akhriyo oo keliya balse waxa uu ku dhisan yahay saddex mab’da oo aasaasi u a akhriska uu qofku sameeyey, kuwaas oo ah;

  1. Akhris: Akhrisku waxa uu ku siinayaa maskax furnaan iyo qalbi wanaag, waxa uu ku siinayaa faham iyo il-dheeraan aanay lahayn dadka heerkaaga ah ee aan waxba akhriyin. Wax akhrisku waxa uu qofka siiyaa aqoon guud oo uu faham fiican ka qaato dhammaan qaybaha nolosha iyo xeeladaha loo maarayn karo.
  2. Dareen celin: Xeerka shanta saac akhriska kaddib waxa uu qofka farayaa in uu ka dareen celiyo waxa uu ka bartay wax akhriska uu sameeyey, iyo in uu maskaxdiisa ka shaqaysiiyo si uu u eego sida ay waxaasi waacaqaciisa u iman karaan.

Jaamacadda Texas ee dalka Maraykanka ayaa daraasad ay samaysay sannadkii 2014 kii waxa ay ogaatay in nasashada maskaxda iyo in ay ka dareen celiso waxa ay akhriday ay xoojiyaan wax barashada.

  1. Tijaabo: Qodobka saddexaad uguna dambeeya ee xeerka Shanta saac uu dhigayaa waa in waxa aynu akhrinno aynu ku samayno tijaabo. Sida taariikhda ku xusan arrinta ugu weyn ee caawisay Benjamin Franklin iyo Thomas Edison in ay noqdaan hal-abuurro iyo mufakiriin, ma’ay ahay akhriska oo keliya. Balse waxa ay ahayd dhaqanka ay u lahaayene in afkaarta iyo aqoonta ay ka bartaan wax akhriska in ay ku sameeyana tijaabo.

Marka aad buug akhrido sida ugu fiican ee aad xusuustiisa ku dheerayn karto, kana dhigi karto in uu dhaqankaaga ka muuqdaa waa in casharrada aad ka baratay dhaqangeliso oo tijaabiso. Tusaale ahaan haddii aad akhriyeysay buug dabeecado iyo habdhaqan ka warramaya, waxa ay ku fiican tahay in dabeecadahaas kuwooda ku soo jiito aad tijaabiso.