Habka Ugu Fiican Ee Caawinaya In Ilmahaagu Uu Fahmo In Aanu Weligii Ku Tiirsnaan Doonin Kharashka Waalidka (1)

0
463

Waalid kasta waxaa maskaxdiisa ka guuxaya su’aalo uu iska weydiinayo, illaa goorta ay tahay in uu dhaqaalaynta iyo bixinta kharashaadka nolosha ilmihiisu u baahan tahay. Nolosha casriga ah ee dunida maanta ka jirta ayaana arrintaas culayskeeda ku sii badisay waalidka; waxbarasho qaaliya, dhar, kiriimo iyo walxaha la isku qurxiyo oo marba marka ka dambaysa sii tiro badanaya, ciyaarta maalmaha fasaxa iyo xitaa garoomadii iyo goobihii jimicsiga oo alcag ah, taleefan casriya iyo kharash joogto ah oo basraac iyo gadiid ku baxaya ayaa laga rabaa in uu bixiyo.

Nasiibwanaag inta badan ma dhacdo in waalidku uu noloshiisa oo dhan biiliyo ilmaha, laakiin haddii aad waalid tahay si aad uga taxaddarto in ay tan oo kale dhcdo, fiirogaar ah ku eeg istaraatijiyaddan oo la filayo in ay kaa caawin doonto sidii aad ilmahaaga ugu diyaarin lahayd in gaadho madaxbannaani iyo isku filnaanshiyo dhaqaale.

Marxaladda kala guurka ah

Xeeldheereyaasha barbaarintu ubadku waxa ay waalidka kula talinayaan in ilmahooda ay ku barbaariyaan ka qaybqaadashada shaqada guriga, sida nadiifinta qolka uu deggen yahay, laalaabista iyo kala habaynta dharkiisa iyo buugaagtiisa.

Ma fiicna in ilmaha 18 sano jir ka weyn loo ogolaado in ay guriga ku noolaadaan iyaga oo aan ogolayn in ay wax ka bixiyaan kharashaadka guriga, ama ugu yaraan ay samaystaan buug ay ku caddaynayaan deynta kaga soo hagagta kharashka, weliba ay caddeeyaan waqtiga ay tahay in ay bixinayaan. Xeeldheereyaal badan ayaa sheegaya in habka ugu fiicani uu yahay in waalidku uu ilmaha ka joojiyo siinta lacagta iyo bixinta kharashaadkiisa isla marka uu dhammaysto waxbarashada jaamacadda. Waxa se jira xeeldheereyaal iyagu ku talinaya in aan laga wada joojin hal mar, balse si tallaabo-tallaabo ah loo dhimo. Waa in ilmaha loo sheego maalinta uu jaamacadda dhammeeyey laga soo bilaabo in kharashka la siinayaa uu ka dhigan yahay deyn la amaahinayo, mar kastana uu is dhimi doono kharashkaasi.

Inkasta oo ay xeeldhereyaashu ku talinayaan carruurtu marka ay gaadho da’da 18 jir illaa 22 jir waalidku in uu ku dadaalo in ay madaxbannaanadaan dhaqaal ahaan, haddana xarunta daraasaadka ee ‘Pew’ ayaa ogaatay kala badh dadka da’doodu u dhexeyso 25 sano jir illaa 34 jir in ay la noolyihiin waalidkood, taas oo  boqolkiiba 11 ka badan sida ay ahaan jirtay marka la barbar sannadkii 1980 kii. Waxa kale oo ay xaruntu baadhisteeda ku heshay in boqolkiiba 73 waalidiinu ay illaa waqti yar ka hor hawlgabkoodii ahaayeen isha ugu weyn ee bixisa kharashaadka nololeed ee ubadkooda, inkasta oo sababaha arrintaas in badan oo ka mid ah lagu xidhiidhinayo duruufaha dhaqaale ee adduunka maanta ka jira.

La xisaabtan ilmahaaga ka weyn 18 sano jir

Xeeldheereyaashu waxa ay waalidka kula talinayaan in uu qorshahan u raaco la xisaabtanka ilmihiisa ka weyn 18 sano jir ee guiriga kula nool, si uu u fahmo in aanay jirin nolol lacag la’aan ugu sii suurtagelaysa sida ay carruurnimadii u soo ahayd.

  1. Joogitaankiisa guriga: Da’dan laga bilaabo waa in ilmuhu uu fahmo in noloshiisu aanay sidii hore lacag la’aan ahayn, u sheeg in looga baahan yahay in uu bixiyo qaybtiisa kharashaadka, laakiin deyn ahaan loo xisaabinayo inta uu shaqo helayo ama dhamamysanayo jaamacadda haddii uu weli wado. Haddii kale u sheeg in uu si kale u bixiyo lacagtaas, tusaale ahaan in uu ka qaybqaato nadaafadda guriga, ka soo adeegista suuqa, shaqooyinka waalidka midkii qabto oo uu ka caawiyo. Arrintani kama caawinayso oo keliya in uu ku dadaalo shaqo raadiska iyo haddii uu helo in uu shaqadiisa ilaashado. Balse waxa kale oo ay ka caawinaysaa in uu masuuliyadda barto iyo in uu fahmo muhiimadda ay leedahay isku filnaanshiyo uu gaadhaa. La soco…